Ra’iisal Wasaare Shirdoon oo Maanta la Kulmay Mas’uuliyiin ka Tirsan Qaramada Midoobay (Sawirro)

Posted by on Jan 30th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay kaaliyaha xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman iyo danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Augustine Mahiga.

Kulanka ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin kordhinta taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya, siyaasadda, ammaanka, garsoorka iyo dib u dhiska dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay wafdiga ka socday Qaramada Midoobay isku af-garteen in la dhaqan-geliyo dhammaan qodobbada kulanka looga hadlay.

Jeffrey ayaa sheegay in kulanka maanta uu la  qaatay ra’iisul wasaaraha uu dabo joogo kulan horey magaalada Addis Ababa ay ugu yeesheen xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Wuxuu sheegay inay Qaramada Midoobay ka go’an tahay sidii ay dowladda cusub ee Soomaaliya uga taageeri lahayd ka miro dhalinta qorshayaasheeda dib u soo celinta nabadda iyo kala dambaynta, isagoo intaas raaciyay in ummadda Soomaaliyeed looga fadhiyo ka tashiga aayaha dalka.

Diblomaasiyiin iyo madax caalami ah ayaa toddobaadyadii ugu dambeeyay booqanayay Muqdisho, si ay qiimeyn ugu sameeyaan isbeddelka dalka ka dhacay.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology