Wasaarada Arimaha Dibada oo is Badal ku Sameynaysa Diblumaasiyiinta u Jooga Dalalka Dibada (Sawirro)

Posted by on Jan 30th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Kulan balaaran oo ka dhacay hoolka shirarka ee Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, kana soo qeybgaleen inta badan diblomaasiyiinta ka howlgala Safaaradaha Soomaaliya ee dibeda kuwaasoo heerkoodu ka hooseeyo safiir loogana yeeray 10-ka bishan January xarunta wasaaradda, ayaa waxa ay wasaaraddu ku shaacisay go’aan rasmi ah ka dib markii madaxda sare ee wasaaradda ay falan-qeeyeen tala-soojeedinta guddiga dib u habeynta Wasaaradda.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiiru- dowlaha wasaaradda, wasiir ku xigeenada, agaasimaha guud iyo xubnaha guddiga dib u habeynta ayaa hadal kooban oo soo dhoweyn ah oo uu jeediyay Ambassador Yuusuf Xasan ibraahim “ Yuusuf Dheeg” oo ah gudoomiyaha guddiga ayaa waxa uu ku sheegay in howlaha ay wadaan uu yahay mid horumar u horseedaya geedi socodka cusub ee siyaasadda dibadda Soomaaliya .

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa hadal uu ka jeediyay kulanka ku sheegay in dib u habeyn ay ku sameeyeen shaqaalaha gudaha ee ka howlgala wasaaradda , lana waafajiyay sharciga , waxa uuna yiri “xubnaha guddiga dib u habeynta shaqo badan ayey qabteen, waxa ayna daraasadeeyeen dukumintiga, iyagoo is arag la sameeyay dhammaan diblomaasiyiinta looga yeeray xarunta”.

Wasiiru-dowlaha waxa uu intaa ku daray “ tallaabada xigta ee aanu qaadeyno ayaa ah sidii fariin rasmi ah oo wicitaan ah loogu diri lahaa Safiirada, Siihayayaasha safaaradaha iyo Qunsulada guud si ay u yimaadaan xarunta Wasaaradda,

“Sida la ogsoon yahay howlaha aan wadno waa dadaal aan qofna lagu beegsaneyn ee qofkii ka gudba ama buuxiya shuruucda iyo shuruudaha wasaaradda ayaa noqonaya howlwadeenka rasmiga ah”.

Wasiiru dowluhu waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga aaney marnaba cafin doonin shaqsi kasta oo meel uga dhacay ama ku takri falay hantida qaranka ee dibadda , lana soo qaban doono , lana horkeeni doono cadaaladda .

Agaasimaha guud ee wasaaradda C/daahirr C/raxmaan Cabdi ayaa ka aqriyay madasha qodobada la go’aamiyay , kuwaasoo kala ah:

1-Diblomaasiyiinta aan ku imaan Xarunta Wasaaradda Xilligii loo qabtay , soona gudbin cudur daar la aqbalay , waxaa loo aqoonsaday inay ka tanaasuleen howshii ay Wasaaradda u hayeen .

2- Diblomaasiyiinta aan weli ka howlgelin , kana imaan goobaha ay ku qoran yihiin , waxa ay joogayaan Xarunta Wasaaradda .

3-Waxaa loo aqoonsaday diblomaasiyiinta loo yeeray , 67 ka mid ah inay buuxiyeen shuruudihii Wasaaradda , ayna yihiin shaqaalaha Wasaaradda .

4- Waxaa la go’aamiyay 28 diblomaasi in dib loogu celiyo Wasaaradda Horumarinta adeega bulshada ( Shaqada iyo Shaqaalaha) .

5- Wasaaraddu waxa ay dib ka soo sheegi doontaa Safaaradaha iyo Qunsuliyadaha guud ee la xiri doono , iyo kala badalka diblomaasiyiinta iyo howlwadeenada .

6-Waxaa la farayaa diblomaasiyiinta la ogolaaday inay dib ugu laabtaan goobahooda shaqo .

—— DHAMMAAD ——–

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology