Xulka Ghana ayaa si raaxo leh ugu gudubtay wareega 8-da ee koobka Qaramada Afrika islamarkaana kaalinta koowaad kaga soo baxay Group B ka dib markii ay kulankooda ugu danbeeya ay 3-0 ku dubteen xulka Niger.
Asamoah Gyan ayaa goolasha u furay xulka Black Stars daqiiqadii 6-aad ka hor inta uusan goolka labaad u dhalin daqiiqadii 23-aad ciyaaryahan Atsu.
Waxaana ciyaarta oo aheyd mid hal dhinac ah hurdo u diray oo dhinac u riday Boye oo Ghana u dhaliyay goolkii seddexaad daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta.
Ghana waxa ay xaqiijisatay inay ku soo baxday kaalinta koowaad ee Group B islamarkaana u gudubtay wareega 8-da koobka Qaramada Afrika iyagoo leh 7 dhibcood.
Waxaana ay wareega 8-da la ciyaari doonaan xulka Cape Verde Islands oo kaalinta labaad kaga soo baxay Group A.
Xulka Mali ayaa isna ku soo baxay kaalinta labaad ee Group B islamarkaana iska xaadirisay wareega 8-da ee koobka Qaramada Afrika ka dib markii ay barbaro 1-1 ah ka heleen xulka DR Congo oo rajo weyn lahaa.
DR Congo ayaa bilowgii ciyaarta gool ku hormartay kaasoo ahaa rigoore, laakiin Mali ayaa waxaa u barbareeyay ciyaarta oo rubuc saac socota ciyaaryahan Samassa. Barbarahaas ayayna ciyaarta ku dhamaatay.
Waxaana ay taas la micno tahay in Mali ay uruursatay 4 dhibcood islamarkaana ay xaqiijisteen booskooda 8-da halka DR Congo ay ku dhameystay kaalinta 3-aad iyagoo leh 2 dhibcood.
Mali waxa ay wareega 8-da ee la ciyaari doontaa xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika oo kaalin koowaad kaga soo baxay Group A.
DR Congo Iyo Niger ayaana macsalaameeyay koobka Qaramada Afrika oo boorsooyinkooda ka qaadanaya.
https://www.youtube.com/watch?v=nSO_XZgMFwc
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com