Maxaa Kala Haysta Caawa Xulalka Ghana V Niger iyo DR Congo V Mali (Xiiso Gaar Ah)

Posted by on Jan 28th, 2013 and filed under CAYAARAHA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Barbaro ayaa ugu filnaan doona Ghana inay u gudubto wareega 8-da koobka qaramada Afrika halka guul ay gaaraan ay u xaqiijin doonto inay kaalinta koowaad uga soo baxaan Group B.

Mubarak Wakaso, oo ganaax iyo dhaawac ku maqan ayaa seegi doona kulankaan, halka Richmond Boakye iyo Anthony Annan ay shaki ku jiraan inay ciyaari karaan madaama ay seegeen tababarkii sabtida.

Niger waa ay soo bixi kartaa hadii ay badiyaan, si kastaba waa hadii ay barbaro galaan Mali iyo DR Congo iyagana ay ku badiyaan goolal badan kulanka Ghana.

Dhanka kale DR Congo iyo Mali ayaa waji ka waji isku wajahaya kulankooda ugu danbeeya ee Group B, iyadoo labada xul ay ka warqabaan in guul ay gaaraan ay u xaqiijin karto inay u gudbaan wareega 8-da.

Barbaro ayaase uga filnaan karta Mali inay ku soo baxdo hadii Ghana ay guul ka gaarto ama barbaro la gasho Niger.

DR Congo waxa ay ku jirtaa kalinta 3-aad ee Group B ka dib markii ay labo barbaro soo galeen, tababare Claude LeRoy ayaana ka warqaba in howl culus ay hortaalo ka hor kulanka Mali ay la leeyihiin caawa.

Labada xul ayaa heysta koox buuxda oo ay ka soo xushaan line-upkooda.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology