Ganacsade lagu Dilay Magaalada Baydhabo Janaay iyo Ninkii Dilay oo Isna la Toogtay (Sawirro)

Posted by on Jan 14th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa goordhow Magaalada Baydhabo Janaay ee Xarunta gobolada Koonfurta Soomaaliya lagu dilay nin ganacsade ah oo si weyn looga yaqaanay gudaha Degmada Baydhabo.

Dilka ganacsadahaan ayaa ka dambeeyay arxanlaawe ka tirsan Kooxda Nabad iyo Nolol diidka ah ee Al-Shabaab.

Ganacsadaha la Dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasay Cabdow Manuur.

Shacabka kudhaqan Magaalda Baydhabo Janaay oo kaashanaya Ciidamada Booliska iyo Ciidanka PSta ayaa ku guuleystay durba in ay gacanta ku soo dhigaan gacan ku dhiiglihii falka dilka ah geystay.

Arxanlaawaha Dilka geystay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Bukurow oo katirsanaa Kooxda Nabaadidka ah ee Al-shabaab. Waxaana Maxkamda Ciidamada Qalabka Sida ay isla maanta ku xukuntey Gacan kudhiglihii Dilka Geestay, in Isla goobta lagu Dilo iyadoo markii dambe la Toogtay Gacan ku dhiiglihii.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamda Qalabka Sida Generaal Xaaji Cali ayaa sheegay in ay Tahay Talaabo loobahnaa in ay Sameeyaan Shacabka kudhaqan gudaha Magalada Baydhabo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane Cabdifitaax Ibraahim Geesey ayaa Amaanay Shacabka iyo Ciidamada soo qabtay gacan ku dhiiglaha, Asagoona sheegay Cid allaale Cidii soo qabata Al-shabaab ama Sheegta inuu Siinayo Abaalmarino Lagu Qanco, waana markii ugu horeysay Talaabo Noocan oo kale ay kadhacdo Gudaha Magaalda Baydhabo Janaay.

Wariye Maxamed Cade

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Baydhabo Janaay

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes
Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology