Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in uu geeriyooday askari ka tirsanaa ciidamada Faransiiska oo ay ku qabteen dhaawac kadib dagaal habeen hore ku dhaxmaray magaalada Buula-mareer ciidamada Faransiiska iyo dagaalyahanada Al-shabaab.
Sheekh C/siis Abuu-muscab oo ah afhayeen kooxda Al-shabaab u qaabilsan dhinaca howlgalada ayaa sheegay in askari uu u geeriyooday dhaawacii soo gaaray, xili uu ku sugnaa goob caafimaad oo aan la sheegin halka ay ku taalo.
Faransiiska ayaa jimcihii la soo dhaafay u diray Soomaaliya ciidamo soo furta Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Sirdoonka Faransiiska oo lagu magacaabo Denis Allex oo 2009-kii lagu afduubtay Soomaaliya.
Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in askariga labaad uu u dhintay dhaawacyo rasaaseed uu qabay. “Waan soo bandhigi doonnaa meydadka labada nin ee Faransiiska ah.”
Weerarka ayaa la fuliyay saacado kaddib markii ciidamo Faransiis ah ay faragelin ku sameeyeen dalka galbeedka Afrika ku yaalla ee Mali.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com