Wariye C/casiis Koronto iyo Haween Barakacayaasha ka Mid ah oo Maalintii Afaraad Xabsi ku Jira

Posted by on Jan 14th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa maalintii afraad xarunta dembi baarista magaalada Muqdisho ee CID-da ku xiran wariye C/casiis C/wahaab (Koronto) oo la shaqeynayey idaacadda Ergo iyo idaacadda maxalliga ah ee Radio Dalsan ka dib markii Khamiistii 10/01/2013 ay xireen ciidamo ka amarqaata taliska CID-da.

Waxaa wariyaha lala xiray isla maalintaasi haweeney ka mid ah dadka barakacayaasha ee ku nool xero ku taalla Tarabuunka taasoo kufsi ay horey ugu geysteen ciidamada dawlada Soomaaliya balse lagu eedeeyay inay idaacadaha uga warantay tacadiga loo geystay.

Haweeneydaasi dhibanaha ah ayaa lala xiray seygeeda iyo gabar ay iyada walaalo yihiin oo iyaduna lagu eedeeyay inay isku xirtay haweeneyda la kufsaday iyo saxaafadda.

Illaa hadda wax maxkamad ah looma ogolaanin muwaadiniintan sida sharci darrada ah ay xabsiga ugu hayaan taliyaha CID-da Jen. C/laahi Xasan Bariise iyo taliyaha booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo amar ka helaya wasiirka arrimaha gudaha.

Wariye C/casiis Koronto ayaa waxaa loo heystaa inuu wareysi la yeeshay haweeney kamid ah dadka barakacayaasha oo ay kufsadeen toddoba nin oo ka mid ah ciidamada dawlada 29-kii bishii Disembar.

Gabadha barakacayaasha ka midka ah ee Khamiista laga soo xiray gurigeeda ku yaalla xerada Tarabuunka ayaa iyaduna loo heystaa inay u warantay saxaafadda oo ay ka hadashay dhibaatada iyada gaartay maadaama kufsi loo geystay, waxaana yaab leh in gabadhaan lala xiray seygeeda iyo walaasheed ka dib markii ay diiday inay ka laabato kiiska kufsiga ee loo geystay ayna beeniso dhammaan eedeymaha kufsiga ee ay saxaafadda qaarkeed u sheegtay.

Saraakiisha booliska, CID-da iyo wasiirka arrimaha gudaha ayaa ka baqaya in haddii dumarka la kufsaday ay saxaafadda ka hadlaan in markaasi xilalka laga qaado iyaga ama laga jarto lacagta deeqda ee booliska uga timaada hay’adda UNDP maadaama xadgudub dhanka xuquuqda aadanaha ay galeen ciidamada sidaasi darteed ayaana illaa hadda muwaadiniintan xabsiga loogu hayaa.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology