Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo ka Hadlay Socdaal uu ku Marayo Dalalka Uganda iyo Kenya

Posted by on Jan 14th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa maanta dalka Kenya wuxuu kula kulmayaa dhigiisa dalkaasi oo ay kawada hadlayaan arimaha Gaashaandhiga.

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayaa sheegay in dhigiisa dalka kenya uu maanta kala hadlayo arimaha la xiriira Gaashaandhiga labada dal maadaama dalka kenya ciidamo ku shaqeeya magaca AMISOM ay kaga sugan yihiin Soomaaliya.

C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa isaga oo ku sugan dalka Kenya wuxuu sheegay inuu kasoo noqday dalka Uganda halkaasina ay kusoo wada kulmeen mas’uuliyiinta ugu sareysa dalkaasi.

Wuxuu sheegay inay kasoo wada hadleen arimo dhowr ah oo la xiriira dhanka gaashaandhiga dalka Soomaaliya ayna si wanaagsan isugu soo afgarteen dhamaan amuurihii ay kasoo wada hadleen.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Uganda ay isla garteen tababarada ciidamada Dowladda Soomaaliya lagu siin jiray dalka Uganda loosoo bedelo in gudaha Soomaaliya lagu siiyo ciidamada Dowladda,taasina ay ka aqbaleen sida uu sheegay.

Ugu dambeyn maanta ayaa lagu wadaa wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya inuu la kulmo dhigiisa dalka Kenya oo ay kawada hadlaan arimaha Gaashaandhiga labada dal.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress
WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology