Gudoomiye Tarsan: Xeebta Liido Waxaa lagu Sameeyaa Anshax Xumo

Posted by on Jan 14th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Guddoomiyaha gobollka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’uud Axmed Nuur  Tarsan ayaa sheegay in dhalinta ka timid wadamada reer galbeedka iyo Mareykanka dhaqan xumo ku soo kordhiyeen xeebta Liido oo Jimco walba ku kulmaan dad ka kooban qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha gobollka Banaadir ayaa sheegay in looga baahan yahay dhalinta qurbaha ka timid in ay ogaadaan in halka ay joogaan uu yahay dal Muslim ah oo leh ashax iyo diinta laga shidaal qaato.

‘’Waxaan leenahay dhalinyarrada qurbaha ka timid ee xeebta Liido u dabaal dagta, halkan ma’aha dalalkii reer galbeedka ee wixii la doono laga sameyn jiray, waxaa jirta diin iyo anshax aynu leenahay, ma aqbali doono in dhaqan xumo aad dalka ku soo kordhisaan ayuu yiri,’’ guddoomiyaha gobollka Banaadir.

Waxaa uu amar ku siiyay Tarsan ciidamada nabad-galyada in mudo 24 saac ay xiraan gabadhii ay arkaan iyadoo qeyb jirkeeda ka mid ah soo qaawisay, sidoo kalana dhalinyarrada ay gabdhaha ku dhawaan karin ama qabsan karin.

“Ma aqbaleyno gabar barideeda qaawan tahay naasaheedana qaawaan tahay waa la xirayaa, anshaxa ayaa ka soo horjeestiin, wiilasha kuma dhegi karaan, askarta amar ayay qabtaa 24-saac ay xirto”ayuu yiri Tarsan.

Xeebta Liido ee degmada C/siis ayaa tan iyo markii magaalada Muqdisho laga saaray Al-shabaab waxaa ay aheyd meel ay u soo damaashaad tagaan dadka reer Muqdisho maalinta ugu danbeysa todobaadka, waxaana bilihii ugu danbeeyay siweyn ugu soo badanayay dadka ka yimid qurbaha haba ugu badnadaan dhalinyarrada.

Hadalka ka soo yeeray guddoomiyaha gobollka Banaadir ayaa la oran karaan waa kii ugu horeeyay ee loogu digayo dhalinyarrada u damaashaad tagta xeebta Liido oo la leeyahay waayadii ugu danbeysay waxaa ay la soo baxeen dhaqamo aan diinta iyo anshaxa suuban midna ku habooneyn.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes
Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology