Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa shalay munaasabad soo dhoweyn ah ugu sameysay Safari Hotel ee magaalada Muqdisho qaar ka mid ah dibloomaasiyiinta ka howlgala safaaradaha iyo qunsuliyadaha Soomaaliya ay ku leedahay dalalka dibadda.
Kulanka ayaa ka dambeeyay kaddib fariin ay wasaaraddu dhowaan u dirtay dibloomaasiyiinta ka howlgala safaaradaha iyo qunsuliyadaha dibadda ee la xiriirtay inay Muqdisho yimaadaan.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo kulanka ka hadashay ayaa u soo jeedisay dibloomaasiyiintu inay la jaan-qaadaan isbaddalka cusub ee dalka ka socda, iyadoo sheegtay in wasaaradda arrimaha dibedda ay ka mid ahayd wasaaradaha ugu sarreeya Geeska Afrika , isla markaana ay doonayaan inay baabi’iyaan magac xumada Soomaalida loogu yeero ee ah argagaxiso iyo burcad badeed.
Fowsiyo Yuusuf waxay tiri “Guddi diblomaasiyiin ah ayaan u xil saaray dib u habeynta howlaha wasaaradda, waxaana ay dib u qaabeynayaan howlaha shaqo iyo shaqaale ee gudaha iyo dibadda.”
Waxay intaas raacisay inay dhaqan gelinayaan sharciga shaqada dibadda ee loo yaqaanno “ Foreign Service Law.”
Wasiiru dowlaha wasaaradda Dr. Maxamed Nuur Gacal oo isna kulanka ka hadlay ayaa ku boorriyay dibloomaasiyiinta inay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo dib u habeynta wasaaraddu ay higsaneyso.
Waxaa kaloo xafladda ka hadlay mas’uuliyiin kale oo ka tirsan wasaradda arrimaha dibadda, gudoomiyaha guddiga dib u habeynta Danjire Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg) iyo xubnaha guddiga, waxayna ka hadleen howsha loo igmaday iyo guulaha ay rajeynayaan mustaqbalka dhow.
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com









