Madaxweynaha Dalka Mareykanka oo Warqad u qoray Labada Gole ee Dalkaasi ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay ka qeyb qaateen Howlgalkii fashilmay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Obama ayaa sheegay in si Toos ah ugu lug lahaayeen Howlgalkaasi ka dhacay Buulo Mareer, wuxuuna sheegay in ciidamada Mareykanka ay farsamada ka caawiyen ciidamada Faransiiska.
Warqada uu Obama u qoray Labada Gole ee Mareykanka ayaa shaacday, waxaana uu sheegay in Mareykanka ay Diyaarad dagaal kaga qeyb qaateen Howlgalkaasi, si ay uga taageeraan dhanka hawada hadii loo baahdo, balse wuxuu xusay inaan loo baahan.
” Diyaarad Dagaal oo uu Mareykanku leeyahay ayaa si kooban u gashay gudaha Soomaaliya, si ay u taageerto howlgalka lagu soo furanayay la heystaha u dhashay Faransiiska ” ayuu yiri Obama.
Ciidamada Faransiiska iyo kuwa ka tirsan Mareykanka ayaa ku fashilmay Habeenki sabtidii inay soo furtaan la heyste u dhashay Faransiiska, waxaana ciidamada Faransiiska looga dilay howlgalkaasi Labo Askari.
Dowlada Faransiiska ayaa shaacisay inuu dhintay la heystihii ay damacsanaayeen inay furtaan, balse xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in wali ay gacanta ku hayaan Ninkaasi Faransiiska ah, dhawaana ay soo bandhigi doonaan.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com