Hay’adda xaquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ka dalbatay dowladda Soomaaliya in sida ugu dhaqsiyaha badan loo sii daayo Wariye C/casiis Cabdinur Ibraahim oo maalintii sadaxaad u xiran dowladda Soomaaliya.
War qoraal ah oo ay soo saartay hay’adda ayaa lagu sheegay in falka lagu xiray C/casiis iyo labo ruux kale uu ahaa mid xad gudub ku ah xuquuqda aadaha sidaa daradeed dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u sii deyso.
Wariye C/casiis Koronto oo ka howlgala Radio Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa loo heystaa sida la sheegay wareysi uu ka qaaday haweeney ay kufsadeen ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana 10 bishan aynu ku jirno looga yeeray xarunta hay’adda danbi baarista ee CID oo markii danbe xabsiga dhigtay.
Xaalada caafimaad ee Wariyaha ayaa laga deyrinayaa, waxaa la leeyahay waxaa uu ku xiran yahay meel nadaafad ahaan aad u liidata, iyadoo ilaa iyo hadda aan wax maxkamad ah la soo taagin.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email:Â Ishabaydhaba@hotmail.com