Xukuumada Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarkii Kumandooska Faransiiska ee Buulo-Mareer

Posted by on Jan 13th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa kulan gaar ah ka yeeshay weerarkii fashilmay ee khasaaraha sababay ee ay Ciidamada Kumaandooska Faransiiska habeen hore ka fuliyeen magaalada BuuloMareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Shirka golaha wasiirada ka dib waxaa saxaafadda la hadashay wasiirka arrimaha dibadda ahna ra’iisal wasaare ku xigeen Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo sheegtay in dawlada federaalka Soomaaliya ay ka xun tahay weerarkaasi ciidamada Faransiiska ay ka fuliyeen dalka Soomaaliya iyadoo aan la ogeysiin dawlada.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba ogeysiinayaa inay dhacday arrin naxdin leh taasoo ah in ciidamada Faransiis ah ay ku soo duleen iyagoo damacsan inay la baxaan nin ay heysatay koox argagixiso ah oo mudo labo sanadood iyo bar ah ku jiray meel ay ku hayeen oo la yiraahdo BuuloMareer, nasiib darro dagaalkaa la soo qaaday wuxuu sababay dhimasho dad Soomaaliyeed iyo ciidamo Faransiis ah.” ayey tiri Fawsiyo Yuusuf Xaaji Aadan.

Fawsiyo Yuusuf waxay ka tacsiyeysay dadkii Soomaali iyo ajnabi ahaa ee ku naf waayey duullaanka ciidamada Faransiiska soo qaadeen ee ka dhacay BuuloMareer.

Habeen hore ayay aheyd markii magaalada Buulo-mareer ee gobalka Shabeelaha Hoose ay ka fuliyeen Diyaaradaha dagaalka Faransiisku howlgal ay rabeen inay kusoo Furtaan Sarkaal Denis Alakis oo 2009 Laga Afduubtay magaalada Muqdisho, howlgalkaasi oo ka dhashay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac isugu Jiray.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology