Madaxweynaha France oo Amar ku Bixiyay Adkeynta Amaanka Dalkiisa Kadib Weerarkii Soomaaliya

Posted by on Jan 13th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa amar ku bixiyay adkaynta ammaanka meelaha ay dadweynaha isugu yimaadaan iyo goobaha gaadiidka laga raaco kaddib howlgalladii milateri ee ciidanka Faransiiska ay ka sameeyeen dalalka Soomaaliya iyo Mali.

Waxaa dib loo dhaqan-geliyay nidaamka feejignaanta ee lagaga hor-tago falalka argagaxisada ee loo yaqaanno “Vigipirate”, iyadoo Faransiiska uu ka walaacsan yahay inay Islaamiyiintu weerarro aargoosi ah ka geystaan gudaha dalka.

Labo askari oo Faransiis ah iyo la-hayste Faransiis ah ayaa habeenkii Jimcaha ku dhintay weerar fashilmay oo lagu doonayay in lagu soo furto la-haystaha.

Ciidan si gaar ah u tababaran oo ay kaabayaan diyaarado helikobtarro ayaa weerar qorsheysan ku qaaday saldhig kooxda Al-Shabaab ay ku leedahay magaalada Buulo-Mareer oo ku dhowaad 30-km koonfur kaga beegan magaalada Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Kumaandooska Faransiiska ayaa doonayay inay xoog ku soo furtaan Denis Allex oo ka mid ahaa sirdoonka Faransiiska kaasoo lagu afduubtay Soomaaliya July 2009.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

 

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology