Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) Maxamed Ibraahim (Bakistaan) ayaa dowladda Soomaaliya ka codsaday inay soo deyso weriye Cabdicasiis Cabdinuur Koronto oo maalintii saddexaad u xiran.
Weriye Koronto ayay waaxda dambi-baarista ee CID-da dhowaan ugu yeertay xarunteeda, halkaas oo kaddib lagu xiray, sida ay baahisay idaacadda Dalsan ee Muqdisho oo uu weriyuhu ka tirsanaa.
Waxaa lagu eedeeyay in uu wareystay haweeney dadka soo barakacay ka mid ah oo sheegtay inay kufsadeen rag darayska ciidamada dowladda xirnaa, iyadoo idaacaddii uu ka tirsanaana ay ku doodeyso in uusan weriyuhu baahin warbixinta lagu haysto.
Bakistaan ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee weriyaha ay liidato, wuxuuna dowladda u soo jeediyay inaan marna warbaahinta la cabburin.
Dowladda Soomaaliya ayaan wali faahfaahin rasmi ah ka bixin xaaladda weriyaha.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email:聽Ishabaydhaba@hotmail.com