Shir Loogu Gogol Xaarayo Dhisida Dowlad Goboleed oo Maanta ka Dhacay Magaalada Baydhabo Janaay (Sawirro)

Posted by on Jan 9th, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa maanta shirweyne ay ka soo qeyngaleen Mas’uuliyiin, Aqoonyahano, Siyaasiyiin, Saraakiil, Odayaal, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo Haween ka dhacay Magaalada Baydhabo Janaay.

Shirkaan oo ahaa mid si weyn la isugu soo dabariday ayaa waxa diirada lagu saaray sidii magaalada Baydhabo loogu qaban lahaa Shirweyne looga tashanayo Dhisida Dowlad Goboleed ay yeeshaan Lixda Gobol ee kala ah Baay, Gedo, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Bakool.

Waxaa shirka lagu furay aayado Qur’aanka kariimka ah, waxaana shirkaa ka aqriyay warbixin ku saabsan xaaladaha ammaanka Taliyaha Guud ee Ciidamada Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Baay Mudane C/fitaax Max’ed Ibraahim Geesey oo amaanay Sida sharafta leh ee loo soo agaasimay Kulanka maanta wuxuuna sheegay in ay garab taaganyihiin Gudiga Farsamada Dhisida Dowlad Goboleedka, balse loo baahanyahay sidii loo xurayn lahaa deeganada weli Cadowga gacanta Kuhaaya waa sida uu yiri Gudomiyaha Gobolka Baay, waxa kaloo uu tilmaamay in uu balanqaadayo Sugida Amaanka Gobolka gaar ahaan kan magaalda Baydhabo.

Waxaa isna hadalay Gudoomiyaha degmada Baydhabo Mudane Xasan Biikole wuxuuna ku nuux nuuxsaday in ay garabtaaganyihiin Gudiga Farsamda.

Shirkaan ayaa waxaa kaloo warbixinno kala duwan looga dhagaystay Mas’uuliyiin  ka tirsan Guddiga Farsamada ee Maamul usameynta Goboladaan oo uu Guddoomiye u yahay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeto), Cabdulaahi Shaleeytey iyo Cabdi Aadam Hoosow.

Sidoo kale waxaa goobta Shirka ka hadashay Gudoomiyaha ururka haweenka Mrs Xaawo Sokor Cali oo ayaduna ay sheegtay in ay lagarabtaaganyihiin  Hiil iyo hoo intuba hadii ay yihiin haweenka Gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Gabagabadii Shirkaan ayaa waxaa la isla gartay in sida ugu dhaqsiyaha badan Magaalada Baydhabo loogu Fidiyo Gogol la isugu yeerayo dhamaan Beelaha wada dega Lixda Gobol ee Koonfurta Soomaaliya si looga wada tashado dhisidda Dowlad Goboleed loo Sameeyo Goboladaan.

Daawo Al-Fanaan Qoomaal oo La Ilmaynaya Heestii Wadaniga.

Wariye Maxamed Cade

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Baydhabo Janaay

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

14 Responses for “Shir Loogu Gogol Xaarayo Dhisida Dowlad Goboleed oo Maanta ka Dhacay Magaalada Baydhabo Janaay (Sawirro)”

  1. Mostafa says:

    Maamulka Gobolka Baay waxaan kula talin lahaa inay meel kale oo ka fiican muuqaal ahaan meeshaan hadeer la fadhiyo u badalaan Madasha Shirka. War Boorka iska jafa saan dadnimo ma ahan. Maamul Gobol dhan oo meel lagu shiro aan haysanin maxay aheyd waa yaabe???? Soomaali iyo Aduun weynaha ayaa idin daawanaaya see saan si dhaanta sameeeya. Teeda kale Ilaahay cadowga ha idinka qabto.

  2. daafeedow says:

    maashala alaah waa wax aad iyo aad loogu farxo runtii halkaan kuma soo koobi karin shucuurtayda aad ayaan u farxay markaan arkay siyaasiyiinteena aqoonyahankeena odayaasheena dhalinyaradeena haweenkeena oo ku kulmay baydhabo janaay ilaahay waxaan ka baryayaa in uu wax khayr kasoo bixiyo kulumada teeda kale walaalaha meel walba oo ay joogaan waxaan leeyahay ku dadaala oo kaliya wanaaga ka fogaada wax walba oo dib u dhac inoo keeni kara waad mahad santihiin gaar ahaan ishabaydhaba aad ayaad ugu mahad santihiin sida hufan oo aad noogu soo gudbiseen warka.

  3. Feyley IIdow says:

    Umadey waan idin salaamey,
    Shaley Galgal ayaa naqati walka Gudubi.Geega ayaa unu iska leh, Waga hadaa niin bariyi. Guul ayaan u rajeynyaa Odoyaal dhaqameedka iyo Gudigeena Muwaadhiniinka oo kala ah

    1.Eng Salax Sh. Cusmaan
    2.Gen Maxamed Sh. Xasan
    3.Mudoobe Nuunow
    4.Cabdullahi Shaleetay
    5.Maxamed Aden Ibrahim
    6.Abdi Aden Hoosow
    7.Ibrahim Aden Mohamed
    Qurba Joogta waxaa ka codsanyaa in ay ku taakuleyaam, halgamayshaas waxey dhaqaalo iyo hantiba ay hayaan.Maanta Annaga ayaa iska leh, Beri waa wax kale.
    Feley IIdow

  4. Cabdirashid Haji Hassanow says:

    s/c, anogoo Cabdirashid Xaji Xassanow Manur, waxaan rabaa inaan idin cadeeyo qoraalka kor ku qoran laguna soo xusey magacayga waa been abuur iyo fidno larabo in laysku diro walaalaha, aniga beri ayaan ka ahay tixraac qofka soo qorey hala fiiriyo Emailka uu soo qaatey kaygana meesha ayuu ku qoran yahay,tankale waa waxaan dhihi lahaa wasaqa soo qorey koley xalaal mahan qofsheegaya qof wuxuusan dhihin saxib ilaahay kaama dhaafo hadii aad mooday ciyaar ilaah baa ku xisaabinaaya adiga iyo noocaada wax igama qaadi karo, waxaan kaloo rabaa inaan u sheego maamulka isha Bay in ayka fiirsadaan, ayna isoo wargeliyaan waad haysaan contactigayga,
    wixii ubaahan hubsiimo waakan Emailkayga sarmaan99@hotmail.com

  5. abdiyeey says:

    thanks waxaa mahada aan la koobi karin iska leh shabakada warbaahinta ISHABAYDHABA.COM.tan kale aad ayaan ugu faraxsan nahay shirka ka socda baydhaba janaay hadii aan nahay qurba joogta kasoo jeeda gobolada koonfureed…gudigana waa gudi u qalma hoowsha ay hayaan..waa dad lagu soo xulay karti iyo aqoon…kaliya aan u duceeyno inuu ilaahay u fududeeyo howsha loo xilsaarey…aan kadeyno..looma dha iyo anigaa ka maqan meeesha..waa wixii dib noo dhigay…mahad haka gaarto proff juwaari oo soo xulay gudigaan..

  6. Axmed says:

    To: Abdurashiid Xaaji Xasanow.. Waxaad tiri hadaan nahay Qurbojoogta, nalagama tashan” what a load for crap you are talkinga about. Dadka indhaga u jeeda shaqadooda qaboobaneyd ee qurbaha kama tagin, oo u bareerin in umada cawradeeda asturaan. Hadii baqeylnimo meesha ku dhigtey yeelkaadada. Siyaasadu investment ayay u bahan tahay oo wax quurtaa, ima naftaada ama maalkaada.

    Maamulkan International communitiga waa taageersan yihiin. Balse qurbo joogta DM ayaa noqdey kuwa xasadnimo iyo bakheylnimo isku darsadey. Balse dadbaa u bareerey shaqadan, qurbo joog sida ABDIRASHID SH XASAN looma fadhinayo. Beelaha kale ee nala dega naf iyo maal ayay diyaar u yihiin iney ku bixiyaan maamulkan.

    Illaahey ha barakeeyo aqoonyahaniinta, odoyaasha iyo siyaasinta u kacay arinta.

    Sidoo kale Maamulka Baydhabo iney ku dadaalaan bilicda magaalada iyoo goobaha ay shirka ku qabsanayaan ayaan ka codsanayaa.

  7. Sxb jamal adan waxad kala garan waysay sida hadalka wanagsan lo soqoro waqtiga latagan yahay iyo mesha ad kahadleso kala eeg la isma hadaaqo mamulka ay yeshanayan dm iyo inta soraacda waa mid geed go an ah taasi adiga iyo inta kula aragtida ah lama weydinayo ee dantada raaco sidaasi ayaa kuwacan hadlka ad ledahay bakol aya daga ogaden ader ogaden mesha ay xuduntisa ku aasantahy walagaranaya ee dadkii no somartiyay ayee ahayen meshasina dagan uma ahan ee benta dadka ha usoqorin marka kalane waxan farin uqoraya c/rashiid wll waxan kuleyahay dadkaaga iyo digaankaga dhinackacaa ee waxaasi ad soqoraty malkale ha soqorin sharaftadina ilaali hore aye smli udhahday tolkaaga iyo kabtada dhaxda ayaa logujiraa ee hadii xildon aad tahay is sosharax hadii lagu dortana wana kugarab istagena hadii kalana dadkaga lamid noqo taasi ayan kudardarmayaa marka kalane odoyasha baq ayan udiraya waa in ay fira gooni ku eegaan ninka xilka ugu sareyo udhibayaan wa in ay shurud udajiyaan waa in oo noqdaa in umada isku keni karo by

  8. jamaal aadan says:

    digil iyo mirifle waxaan filayaa in ay riyoonayaan sidee ku dhisaysaan dowlad gobnoleed ka kooban intaan oo gobol ileen waan ognaahy waxaad ku tihiin mainority hadii maamul loo dhisayo goboladaan waxaay noqnaysaa in magaalo madaxda kismaayo la isugu imaado maxaa yeelay baydhabo digil iyo mirifle ayay u gooni tahay laakiin kismaayo waxay midaysaa dhamaan beelaha wada dega goboladaan waxaan kaloo idin sheegayaa iska iloowa fikirka ah koonfurta soomaaliya dhaha bay iyo bakoool oo weliba dad kale ay idinla wadaagaan sida bakool oo ogaadeen wax ka dega naga daaya shimbiryahow heesa hees wanaagsan heesa.

  9. maadow says:

    dhamaan asxaabta waan salaamayaa salaan kadib waxaan la ayaabay ninka dhahaya waan dhaliil sanahay gudiga waa qof aan ka turjumin jaaliyada ingiriiska, waana dambiile umada mar walba ladaba jooga hagardaamo waxaan leeyahay c/rashiid umada dhinac ka raac sheekada way ka wayn tahay wakhtigii waan kasoo horjeedaa iyo waan qaadacnay hadii la waayo wixii la rabay ma ahan in umada mustaqbalkeeda la geliyo mugdi wasiirka arimaha dibada hadii aad ka waysay dowlada dhexe ka raadi tan goboleedka ayaan ku leeyahay iska dhaaf tashqiishka aad ka dhex wado jaaliyada ingiriiska, teeda kale ishabaydhaba waxaan idin kaga digayaa in aadan soo gudbin kuwa umada lugooyada ku ah ilaahy ka baqa oo fikradaha noocaan oo kale ah hanoo soo gudbinina fadlan waadmahadsantihiin.

  10. C/rashiid Xaaji Xasanow says:

    anoo ku hadlaya magaca jaaliyadda ingiriiska aad ayaan u dhaliilsanahay shirka ka dhacay baydhabo maxaa yeelay ma ahan gudiga howsha wada kuwo ka turjumi kara dadyowga DM mana ahan loo dhan yahay gaar ahaan hadaan nahay qurbajoog nalagama tashan sidaa darteed looma dhama,teeda kale waxaa ku jira rag aan lagu wada qanacsamayn.
    odayaasha digil iyo mirifle waxaan ugu baaqayaa hadii la rabo in umada dhibka haysta laga saaro waa in dib loo fiiriyaa 7 xubnood ee gudiga.

  11. deerow says:

    heesta burureey ayaa aad ii soo jiidatay aniga ilaahay hanaga dhigo kuwii fahma midnimada waxa ay tahay ceel aan gureyn ayaan nasiib u helnay laakiin kama war qabno digil iyo miriflow noolaada ayaan idin leeyahay guul guul guul

  12. Farxiyo Toronto says:

    SCW, marka hore waxaan meeshaan ugu mahad celinayaa dhamaan bahda ishabaydhaba.com walaala yaalw axaan idin leeyahay aad ayaad ugu mahad santihiin sida wanaagsan oo aad inoogu soo gudbisaan meesha ay wax mnarayaan gaar ahaan waxaan u mahad celinayaa wariye maxamed cade, runrii waa guul in baydhabo janaay la fidiyo gogoshii maamul loogu sameyn lahaa gobolada koonfur. siyaasiyiinteena iyo aqoonyahanadeena ilaahay hanoo dhaafo ayaan leeyahay anaga hadaan nahay qurba joogta waxaa waajib nagu ah in aan hiil iyo hooba ku taageerno dhisida dowlad goiboleedkaan.

  13. IIDOW says:

    howlaha ka socda magaalada baydhabo waa wax aad iyo aad inoo farxad gelinaya runtii waxaan leeyahay dhamnaan beelaha dega lixda gobol ka faa idaysta fursadaan qaaliga ah oo adag si mar kale lagu helo, teeda kale halaga digtoonaado wax walba oo keeni kara dib u dhac iyo is qabqabsi wabilaahi towfiiq

  14. xaaji siidow says:

    masha alaah aad iyo aad ayaad u mahad santihiin bahda isha iyo daafeet, waxaan ilaah ka baryayaa in uu garabkooda gali aqoonyahanada ku mashquulsan dhisidfa dowlada goboleed ay yeeshaan lixda gobol ee koonfurta soomaaliya.

Leave a Reply

WordPress Themes
WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology