Waxaan Jecleystay in aan dadkeyga ugu faa’idayo inta aan ka aqaano mashruucii sonkota ee mareerey ee dadbadan oo soomaali ay siweyn uyqaanaan, dadbadan ayaa markay maqlaan ereyga mareerey waxay soo xasuusanayaan sonkortii laga sameynjirey tuulada mareerey.
Waxaana uu ku bilaabanayaa maqaalka ugu horeeya ee aan ugu sheekaynayno mashruucii mareerey.
Sanadka markuu ahaa 1976-dii ayaa waxaa la bilaabay kheyraadkii loogu faa’idaysanayay mashruucaas dowladii kacaanka oo waxbadan oo taariikhi ah kasameysay, wadankeena soomaaliya ayaa waxay xooga saareen madaxdii waqtigaas sidii loo helilahaa iskufilnaansho dhanka cuntada ah waxyaabaha ahmiyada weyn loosaarey ayaa waxaa kamid ahaa sonkorta oo ay waqtigaas qiimaha lakalasiisto suuqyada caalamka cirku iskushareerey.
Waxay hadaba ay soo gurfeeyeen gudigii loosaarey arintaas in iskaashi lala yeesho wadama ay saaxiibka ay ahaayeen soomaaliya waqtigaas waxaaana dhanka maaliyada lalakaashaday wadamada Sacuudiga iyo Abu dabey xaga maamulkana waxaa lalakaashaday Ingiriiska.
Sanadkii 1975-kii shirkada lagu magacaabo bukar ee beeraha ayaa waxay qandaraas ay kusiisay dowlada soomaaliya in soo diyaariyaan sahankii hore ee meesha laga dhisaayo mashruucaas.
Waxaana labilaabay in la calaamadeeyo soohdintii meeshii laga dhisilahaa mashruuca.
Daanta galbeed ee webiga Jubba Waxay ka dhiseen 8000 oo bakhaarada lagu keediyo sonkorta shirkadaha la kale yiraahdo Wilbi iyo Moolim, ayaa waxaa si wada jir ah loo siiyey qandaraas ay kudhisaan iyaguna warshad soosaarta sanadkii 70,000 oo tan sanadkiiba.
Sidoo kale shirkaada Burkar ayaa laqaabilsiiyay inay taba barto maamulkii iyo shaqaalihi kashaqeyn lahaa mashruuca, waxaana kaqeybqaatay dhoor shirkadood fulinta masruucaas ee sonkota.
Waxaa Diyaariyey Aadam Abdi ishak (Gentleman)
Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka.
Email: Aadamyare11@hotmail.com
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com