Xiriirka kubada cagta dalka Talyaaniga ayaa bilaabaya baaritaano degdeg ah oo uu ku samayayo fal cunsuriyad ah oo ay taageerayaal kula kaceen qaar kamid ah ciyaaryahanada kooxda AC Milan.
Kulan saaxibtinimo ah oo ay kooxda Milan la yeelanaysay naadiga heerka afaraad ee Pro Patria ayaa la joojiyay qeybtii hore ee ciyaarta kadib markii ciyaaryahanka qadka dhexe ee AC Milan Kevin-Prince Boateng uu kubbada ku dhex tuuray daawadayaasha ciyaarta kadibna ka baxay garoonka.
Madaxa xiriirka kubbada cagta Italy Giancarlo Abete ayaa ku tilmaamay falkaas “Wax aan laga hadli karin Loona dulqaadan karin.”waxana uu xiriirka kubbada cagta Italy tilmaamay in baaritaan degdeg ah ku samaynayo falkaas.
Agaasimaha koox la dagaalanta faquuqa ee ka dhisan Yurub FARE Piara Powar ayaa ka dalbay xiriirka kubbada cagta Talyaaniga in ay fal adag kaga jawaabto cunsuriyada ay ku kaceen taageerayaasha kooxda heerka labaad ee Pro Patria.
“Waan soo dhoweyneynaa Kevin-Prince Boateng falka uu sameeyay Boateng iyo ku raacidii taageerayaasha kooxda. Mana aha markii ugu horeysey ee uu ciyaaryahan isaga baxo garoonka dalka Talyaaniga, haddii xaalada ay sii socotana ma noqon doonto tii ugu dambaysay.” ayuu yiri Piara Powar
Shabakada warbaahinta Milan ayaa qortay in sidoo kale Mbaye Niang, Urby Emanuelson iyo Sulley Muntari ay kula kaceen qaar ka mid ah taageerayaasha Pro Patria falal cunsuriyad ah.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com