Guddiga Olambikada Soomaaliyeed oo Doortay Hogaan Cusub

Posted by on Jan 4th, 2013 and filed under CAYAARAHA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Shir weynihii lixaad ee guddiga Olambikada Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu doortay hogaan cusub, kadib markii uu guddoomiyihii hore ee guddiga Olambikada Aadan Xaaji Yabarow Wiish uu ku geeriyooday qaraxii sanadkii hore ka dhacay xarunta Tiyaatarka.

Doorashada oo ay goob joog ka ahaayeen xubo ka soda dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasarrada hormarinta adeega bulshada iyo guddoomiyaha gobollka Banaadir Max’uud Axmed Nuur Tarsan, ayaa u dhacday jawi degan, iyadoo ka qeyb-galayaasha cod aqlabiyad ah ku doorteen hogaanka guddiga.

Shirweynaha ayaa guddoomiyaha guddiga Olambikada Soomaaliyeed u doortay in uu noqdo  C/llaahi Axmed Tarabbi, halka ku xigeenka koowaad ay u doorteen Axmed Cabdi Xasan Wataac, ku xigeenka labaadna Xasan Axmed Cabdi (Xasan Elman), halka ku xigeenka Sedaxaadna ay u doorteen Ibraahim Abuukar Shaamow. Xoghayaha guud ee GOS ayay isna u doorteen Duraan Axmed Faarax.

Xubanahan la doortay ma jirin cid la tartantay, waxaana ay ka qeyb-galayaashu si buuuxda u ayideen ama u ogolaadeen doorashoodooda.

Waxaa goobta ka hadllay wasiir ku-xigeenka wasaarrada adeega hormarinta adeega bulshada Bashiir Goobe iyo wasiirru-dowlaha wasaarrada Max’uud Ismaaciil Barkhadle oo labaduba amaanay waxqabadka GOS, waxaana ay sheegeen in ay si dhaw u wada shaqeyn doonaan.

Doorashada ayaa dhacday iyadoo guddoomiyihii hore ee guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji Yabarow Wiish uu ku geeriyooday qaraxii sanadkii hore ka dhacay Tiyaatarkii Qaranka, waxaana sidoo kale halkaas ku geeriyooday guddoomiyihii Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Mugaambe) iyo dad kale oo riyid ahaaa.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology