Weeraryahanka Manchester City Mario Balotelli ayaa u muuqda in qilaaf isjiid jiid ah uu ku dhexmaray garoonka isaga iyo tababare Roberto Mancini.
Labada nin ee u dhashay Italy waxaa dhexmaray isku dhac weyn oo keenay isjiid jiid badan.
Balotelli ayaa la rumeysan yahay inuu ka careysiiyay Mancini markii uu qalad xun ku galay saaxiibkiisa ay isku kooxda yihiin Scott Sinclair xilli ay tababar ku qaadanayeen garoonka tababarka kooxda ee Carrington.
Sawirka sare oo ay qaaday wakaalad dhanka sawirada ah ayaa la sheegay in la qaaday saaka iyadoo labada nin ay kala qabteen shaqaalaha kooxda iyo ciyaartoyda.
Manchester City ayaa diiday inay wax hadal ah ka yiraahdaan arintaan ugu danbeysay.
Weeraryahan Mario Balotelli oo 22 jir ah ayaa waxyaabo badan oo muran dhaliyay sameeyay tan iyo intii uu Manchester City kaga soo biiray Inter Milan.
Ka dib isku dhaca oo ahaa mid aad u sareeyay Mario Balotelli ayaa isaga tagay garoonka Tababarka.





Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com