Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay oo dalka Suudaan uga qeyb galayay sanad-guuradii 57-aad ee ka soo wareegatay markii uu dalkaas gobonnimada qaatay ayaa maanta ku noqday magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu ka degay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee Muqdisho wuxuu sheegay in uu kulan la soo qaatay madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir oo ay ka wada-hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowlada Suudaan ay ballan-qaadday in ay gacan siiso hay’adaha dowladda, isla markaana ay tababar siiso ciidamada booliska Soomaaliyeed.
Dowladda Suudaan ayaa Soomaaliya u daabaceysa lacag cusub, taas oo qeyb ka ah heshiis ay horay ula gashay dowladdii KMG ahayd ee uu Madaxweynaha ka ahaa Shariif Sheekh Axmed.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com