Suldaanada iyo Malaaqyada Koonfurta Soomaaliya oo ka Dalbaday Dowlada in ay Xoojiso Amaanka

Posted by on Jan 3rd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Odayaasha Dhaqanka gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa ka codsaday mas’uuliyiinta wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo inay gacan ka geystaan sugidda amniga magaalada iyo sidii loo xorreyn lahaa Deegaanada oo ay weli ku sugan yihiin maleeshiyadka Al-Shabaab.

Suldaan Warsame Saldaan Ibraahim oo ka mid ah suldaanada gobolada Koonfurta Soomaaliya oo ka hadlayay kulankii shalay dhex maray wafdiga dowladda ee uu hoggaminayay wasiirka gaashaandhiga iyo maamulka gobolka Baay iyo qeybaha bulshada ayaa sheegay inay jiraan weerarro gaadmo ah oo ay ka fuliyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab magaalada Baydhabo.

Suldaanka ayaa ka codsaday dowladda in la xorreeyo deegaanada falalka amni darrada ay ka soo abaabulaan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cabduqaadir Sheekh Cali Diini ayaa isna sheegay in ay balanqaadayaan ciidamadu in ay dib u soo celiyaan amniga gobolada koonfurta isla markaana ay ka xorreeyaan maleeshiyaadka Al-Shabaab deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka Difaaca C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa isna sheegay in dowladdu ay ahmiyad koowaad siineyso sugidda amniga, wuxuuna amaan u soo jeediyay ciidamada dowladda ee ka howlgalaya gobolka Baay.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Premium WordPress Themes
Premium WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology