Sirdoonka Ethiopia oo Gacanta ku Dhigay Rag ka Tirsan Al-Shabaab

Posted by on Jan 3rd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Ciidamada Sirdoonka Itoobiya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay rag ka tirsanaa maliishiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalamay wadanka Soomaaliya.

Warbaahinta wadanka Itoobiya ayaa sheegtay in ciidamada amaanka ee wadankaasi ay gacanka ku soo dhigeen rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo maalmihii ugu danbeeyay soo galay wadankaasi.

Waxaa lagu eedeeyay ragaan in ay doonayeen in ay weeraro argagixiso ay ka geestaan wadankaasi Itoobiya isla markaana ay bartilmaameedsadaan xarumo muhiim ah.

Warbaahinta Itoobiya ayaa sidoo kale waxay soo bandhigtay waxyaabaha qarxa iyo waliba Hub la sheegay in ay wateen kooxaha doonayay in ay weerarada ay geesaan.

Saraakiisha Itoobiya ayaa sheegay in Raga gacanta lagu soodhigay ay gaarayaan ilaa 15-dagaal yahan kuwaasi oo tababaro ku soo qaatay wadanka Soomaaliya, isla markaana ay taba bareen Al-Shabaab.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in ragaan dhowaan maxkamad la soo taagi doono, waxaana wali jira baaritaano kale oo lagu baadi goobayo kooxo kale oo la aaminsanyahay in ay ku dhuumaalaysanayaan wadankaasi.

Arintaan ayaa waxay ku soo adaysaa xili ciidamada Itoobiya ay ku suganyihiin Soomaaliya isla markaana qaar ka mid ah gobalada Soomaaliya ay kula dagaalamayaan Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology