Wafdigii uu Hogaaminayay Wasiirka Difaaca Soomaaliya oo Xalay ku Hoyday Baydhabo (Warbixin)

Posted by on Jan 3rd, 2013 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal wafdi uu hoggaaminayo oo dowladda ka tirsan uu ku joogo magaalada Baydhabo Janaay ee xarunta gobolada Koonfurta Soomaaliya.

Cabdixakiim Xaaji Fiqi ayaa la hadlay dadka ku nool Baydhabo, isagoo sheegay in ujeedka socdaalkooda uu ahaa qiimeynta xaaladda dadka ku nool Magaalada Baydhabo iyo mida ay ciidamadu ku sugan yihiin.

Wasiirka ayaa sheegay in muddada ay joogaan Baydhabo ay si qotadheer u eegi doonaan xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada, iyagoo ku dedaali doona daryeelka ciidamada.

Wuxuu shacabka Baydhabo uga mahadceliyay taageerada ay dowladda u muujiyeen, isagoo rajo wanagsan ka muujiyay in deegaannada gobolka Baay ee ay hada ku sugan tahay Al-Shabaab dhowaan laga saari doono.

Wafdiga wasiirka gaashaandhigga ayaa xalay ku hoyday Baydhabo, iyadoo lagu wado inay maanta la kulmaan qeybaha bulshada.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress͸╠Ô

WordPress͸╠Ô
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright ┬ę 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology