Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdixakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolada Koonfurta Soomaaliya.
Wasiirka waxaa wafdigiisa ku wehliyaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaliya, taliyaha ciidanka xoogga dalka Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini iyo saraakiil kale.
Mas’uuliyiin ka tirsan wafdiga ayaa sheegay in ujeeddada socdaalka wafdiga ay tahay mushahar siinta ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Baay.
Sidoo kale wuxuu socdaalka la xiriiraa qiimeynta xaaladaha ammaan iyo midda nololeed ee gobolka iyo sidii loo ballaarin lahaa howlgallada ciidamadu ka wadaan gobolka Baay.
Safarka wasiirka gaashaandhigga ayaa qeyb ka ah mid muddooyinkii u dambeeyey uu ku marayey gobollada ay dowladdu ka taliso.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com