Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Sudaan ayaa maanta waxey ku sii jeedaan magaalo madaxda dalkaas ee Khartuum.
Wafdigaan ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta, Maxamuud Xasan Suleymaan, Wasiiru dowlaha Wasaaradda arimaha dibadda Maxamed Nuur Gacal,Wasiir ku xigeenka Gashaandhiga Axmed Maxamed Maxamuud, iyo Taliyaha nabad sugida Axmed M. Fiqi.
Wafidigan ayaa waxey maalintii shalay aheyd ka qeyb galeen xafladda xornimadda Sudaan. Xafladaas ayaa waxey ku soo aaday munaasabad lagu furayo biyo xireenka laga dhisay magaaladda Damazin ee gobolka blue Nile.
Sidoo kale Madaxwyenaha iyo wafdiga uu hogaaminyo, waxey kulamo la qaateen Madaxweyne Cumar Xassan Al-Bashiir iyo Wasiiro ka tirsan xukumadda dalka Sudaan. Kulankaas waxaa looga wada hadlay sidii xirriirka labadda dal loo hormarin lahaa.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay mashaariicda adeegyadda bulshadda ee dowladda Soomaaliya u diyarineyso goboladda dalka. Adeegyadaas ayaa ka kooban amniga, waxbarashada, caafimaadka, garsoorka iyo adeegyadda kale ee bulshadda waxeyna qeyb ka yihiin Lixda Tiir siyaasadeed ee dowladda.
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com





