Sheekh Maxamuud C/qaadir Cali Aw Macalin Kowfi Dheere oo Imaam ka ahaa mid kamid ah Masaajidyada Jasiirada Malta oo arimo caafimaad dartood isbuuc ka hor loo keenay dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada London oo lagu magacaabo National Hospital for Neurology and Neurosurgery, kadib markii in muddo ah uu ka xanuunsanayay Madaxa ka dibna uu ugeeriyooday.
Sheekh Maxamuud Macalin Cali ayaa waxaa maanta lagu Aasay Magaalada London ee Caasimada Dalka Ingiriiska.
Waxaa Salaadii Janaasada lagula Tukaday Masaajidka ugu Weyn Waqooyiga Magaalada London oo lagu Magacaab Edmonton Islamic Center.
Allaha u Naxariiste Sheekh Maxamuud C/qaadir Macalin Cali oo aad u da’yaraa ayaa lagu xasuustaa sidii uu dadka Muslimiinta ee Jasiirada Malta ugu Baraarujin jiray barashada Diinta Islaamka, isagoo sanadihii ugu dambeeyay uu ka noqday Imaam mid kamid ah Masaajidyada ugu weyn ee Jasiirada Malta.
Aaska Marxuum Sheekh Maxamuud C/qaadir, waxaa ka soo qeyb galay Aqoonyahano uu kamid ahaa Dr. Ibraahim Maxamed Isaaq (Ibrow) iyo Culumaa’udiin Caanka ah Boqortooyada dalka Ingiriiska oo ugu Horeeyay Sheekh Ilyaas Cali Nuur, iyo Dadweyne aad u tirabadan oo ka kala Yimid Magaalooyinka London, Lester iyo Liverpool.
Waxaana lagu Aasay Qabuuraha lagu Magacaabo Gardens Of Peace Muslim Cemetery Trust.
Ilyaas Qalinle
Ishabaydhaba.com
UK London
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com



















