Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Afhayeenka Baarlamaanka Jabuuti oo Kulmay (Sawirro)

Posted by on Dec 13th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi ka socday dalka Jabuuti oo ku booqday xaruntiisa.

Wafdiga Jabuuti oo shalay gaaray magaalada Muqdisho waxaa hoggaaminaya afhayeenka baarlamaanka Jabuuti Idiris Cali.

Madaxweynaha ayaa si fiican ugu soo dhoweeyay wafdiga Villa Soomaaliya, isagoo u sheegay inaaney marti ku ahayn Soomaaliya, balse ay joogaan dalkoodii.

Wuxuu intaas raaciyay in si fiican loogu soo dhoweeyay dalka Jabuuti safarkii dhowaan uu ku tegay halkaasi, isagoo carrabaabay inay dowladdiisa xoojin doonto xiriirka ay la leedahay dalka Jabuuti.

Kulanka dhex maray labada dhinac waxaa goob-joog ka ahaa afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya Dayib Dubbad Rooble

Afhayeenka baarlamaanka Jabuuti waxaa booqashada uu ku tegay magaalada Muqdisho ku wehliya mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题

WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology