War Deg Deg Ah: Ciidamada Amaanka ee Dalka Kenya oo Goordhow Fashiliyay Waxyaabaha Qarxa

Posted by on Dec 13th, 2012 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Warar goordhow naga soo gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay qarxiyeen waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasnaa.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Kenya ay gaareen xaafada Islii islamarkaana halkaasi ay ka sameyeen howlgal ayna ugu suura gashay inay qarxiyaan waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasnaa.

Qaar kamid ah Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii ayaa soo sheegaya in ciidamada ammaanka ay qarxiyeen waxyaabaha qarxa oo dhulka ku aasnaa.

Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa weli wada howlgal ujeedkiisa yahay xaqiijinta ammaanka Islii islamarkaana aysan jirin markii ay qarxiyeen qaraxa cid ay waxyeelo kasoo gaartay.

Xaafada Islii ayaa noqotay meel ay inta badan ka dhacaan qaraxyo dhibaato kala duwan kasoo gaarto dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi iyadoo qaraxii ugu dambeeyay uu ka dhacay Masaajidka Al-Hidaaya ee Xaafada Islii.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题
WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology