Hogaamiyihii golaha ku meel gaarka dalka Liibiya ee xukunka kacdoonka kaga tuuray, Madaxweynihii hore ee Libya Qadaafi, Mustafa Cabdi Jaliil iyo Ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee golaha ku meel gaarka Libya Maxamuud Jibriil ayaa maxkamad ciidamada milatariga Libya ku eedeysay dilka abaanduulihii kacdoonka Gen. Cabdi Fataax Yuunis.
General Cabdi Fataax Yoonis ayaa lagu dilay meel u dhaxaysa magaalooyinka Bareega iyo Ras- Lanof ee dalka Libya bil uun ka hor intaan xukunka laga tuurin Mucaamar Al Qadaafi, wakhtigaas oo dirirta u dhaxaysay, guutooyinkii Qadaafi iyo mucaaradka Libya marayeen halkii ugu kululayd.
Dilka taliyihii ciidamada mucaaridka Libya Gen. Yuunis ayaa u dhacay hab mugdi badani ku jiro, waxaana ka dhashay su’aalo badan oo la iska waydiiyay, gaar ahaan waxa jiray warar xiligaas soo baxayay oo tilmaamayay in golihii ku meel gaarka Libya ee dunida inteeda badani aqoonsatay uu ku kacay, hawl galo lagu khaarajinayo hogaankiisa kala duwan.
Haddaba maalintii talaadadii ayaa maxkamada milatariga dalka Libya soo saartay, go’aan ay socdaalada dalka dibadiisa kaga joojinayso, hogaamiyihii golihii ku meel gaarka Libya ee xukunka ka tuuray Qadaafi iyo ra’iisal Wasaarihiisi ugu horeeyay Mustafa Cabdi Jaliil iyo Maxamuud Jibriil, labadan nin oo ahaa hogaankii ugu sareeyay ee siyaasada iyo maaliyada mucaaridka Libya.
Afhayeen u hadlay maxkamada milatariga Libya oo lagu magacaabo, Majdi Baracisa ayaa warbaahinta u sheegay, in hogaamiyihii Mucaaradka Libya Mustafa Cabdi Jaliil loo haysto inuu si khaldan u isticmaalay hogaamintii umada, isla markaana uu ku kacay mas’uuliyad daro, kala qaybsanaan abuuri gaaray.
Afhayeenkan ayaa tilmaamay in maxkamada Milatariga Libya u haysato Mustafe Cabdi Jaliil in aanu si haboon u gudan waajibkii saarna, waxa uu xusay in safaarada dibada laga mamnuucay inta baaristu ku socoto, waxa kale oo uu ka waramay, damaanad lagu sii daayay si uu dibada ugu sugo dacwadiisa.
Ugu danbayntii afhayeenkan ayaa sheegay in Mustafa Cabdi Jaliil dacwadiisa la furi doono bisha febraury ee inagu soo foolka leh, wakhtigaas oo dhagaysigeedu bilaabmi doono, waxa kale oo dacwadan sidoo kale u eedaysan, wasiirkii maaliyada ee ugu horeeyay mucaaradka Libya, isla markaana noqday ra’iisal wasaarihii ugu horeeyay ee xukuumadii ku meel gaarka ahayd ee xukunka ka tuurtay Qadaafi.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com