Waxa shalay si rasmi ah magaalada Marrakesh ee dalka Morocco ugu furmay shirwayne balaaran oo la isku arkay, kaas oo ujeedadiisu aheyd sidii taageero dublamaasiyadeed iyo mid dhaqaale loogu garab geli lahaa golaha isbahaysiga Mucaaradka Suuriya, ee bishii aynu soo dhaafnay lagu dhisay magaalada Doha ee Caasimadda Dalka Qatar.
Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, golaha isbahaysiga Mucaaradka Suuriya oo hore aqoonsi buuxa uga helay, waddamo badan oo khaliijka carabta, dalalka reer galbeedka iyo kuwo kale ka mid yihiin, ayaa waxa sida muuqata ay wakhti xaadirkan kasbadeen, taageerada inta badan beesha caalamka, waxaana shirwaynaha loo qabtay shalay loogu ururiyay qaaraan dhaqaale oo aad u tiro badan, kuwaas oo ay hormood ka ahaayeen, dalalka Sucuudi Arabiya, Qatar, Morocco, France, Maraykanka iyo dalal kale oo tira badan oo loogu yeeray saaxiibada shacbiga Suuriya.
Dawlada Faransiiska oo iyadu ahayd tii ugu hor aqoonsatay golahan ayaa dunida ugu baaqday in si wayn loo taageero golahaas, waxa kale oo dawlada Faransiisku u soo jeedisay madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad inuu joojiyo dagaalka isagana dego talada oo ka taliyo inuu badbaadiyo dalkiisa inta ka sii harsan.
Maalintii doraad ayay ahayd markii Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama shaaca ka qaaday in xukuumadiisu golaha isbahaysiga mucaaradka Suuriya u aqoonsatay inay yihiin, wakiilka rasmiga ah ee matala shacbiga Suuriya, taas oo meesha ka saaraysa ergada dublamaasiyadeed ee dalka Suuriya ku lahaa dalka Maraykanka haddii aanay ku daba faylin Mucaaradka oo aanay deg deg uga goosan Maamulka Bashaar Al Asad.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com