Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa sheegay in burburka dalka Soomaaliya ay qeyb ka yihiin kooxo wadadaado ah marka laga soo tago qabyaalada Soomaaliya horumarka udiiday.
Idiris Cali Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka ka jira ay yihiin kuwa ay wadaan Al-Shabaabka ka dagaalama koonfurta dalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa Shabaab ku eedeeyay inay dadka si maalayacni ah isaga laayaan islamarkaana taasi aan loo baahneyn.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayuu sheegay in loo baahan yahay inay wacyigelin usameeyaan Dhalinyarada ku jira Al-Shabaab ee Dowladda Soomaaliya dagaalka kala soo horjeeda.
Afhayeenka Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa hadalkaan wuxuu ka jeediyay kadib qudbad uu ka jeediyay aqalka Baarlamaanka Dalka Soomaaliya halkaasi oo uu kula hadlaye Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Dhalinyarada ku jira Al-Shabaab ayaa inta badan waxaa loo jeediyaa baaqyo ku aadan inay ka tanaasulaan falalka ay ku jiraan inkastoo ay jiraan kuwa qaata iyo kuwa kasoo horjeesta.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com