Dowlada Maraykanka ayaa milatariga dalka Masar u ogolaatay inay siiso, labaatan diyaaradood oo kuwa dagaalka ee noocoodu yahay F-16, kuwaas oo farsamo ahaan wax badan loogu kordhiyay awoodooduna aad u sarayso.
Shabakada wararka ee Foxnews, oo warkan baahisay ayaa ku warantay in Washington siinayso dalka Masar labaatan diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, shabakada ayaa talaabadan ku sheegtay mid muujinaysa sida wali Maraykanku u danaynayo Masar iyo milatarigeeda awooda badan, taas oo sida Fox News tilmaamayso aanay xiisadaha ka taagani wax saamayn ah ku yeelan.
Sida wararku tibaaxayaan waxa durba bilaabmay tijaabinta iyo diyaar garaynta diyaaradaha F-16 ee lagu wareejinayo milatariga Masar, kuwaas oo sida Fox News ku warantay tijaabadoodu ka socoto saldhig ku yaala magaalada Ford Worth ee gobolka Taxes ee dalka Maraykanka, waxaana lagu wadaa in dufcada ugu horaysa ee diyaaradahaasi gaari doonto gacanta Masaarida bisha fooda inagu soo haysa ee January.
Sida Fox News Sheegtay Milatariga Masar ayaa leh in ka badan boqol diyaaradood oo noocoodu yahay F-16, hasa yeeshee dufcadan cusub ee diyaaradaha ee Washington siinayso Masar ayaa ka danbaysay, heshiis labada dhinac kala saxeexdeen laba sanadood ka hor.
Xubno tiro badan oo ka tirsan mucaaridka dalka Maraykanka gaar ahaan xisbiga Jamhuuriga ayaa walaac ka muujinaya, saamaynta diyaaradahan iyo taageero milatari ku yeelan karto xiisadaha siyaasadeed ee ka jira dalka Masar oo ay u arkaan in maamul ahaan ay ka baxayso gacanta Maraykanka, waxaanay daliil u soo qaataan madaxweynaha Masar loo doortay oo ka soo jeeda ururka Ikhwaanul Muslimiin.
Shabakada Fox News oo iyadu xiriir badan la leh kooxaha garabka midig ee xag jirka Maraykanka ah, ayaa Madaxweyne Mursi-ga xukuma dalka Masar ku tilmaantay mid la soo baxay dhaqamo qarsoon oo uu xukunka ku maroorsanayo, wallow sida ay xustay uu hab dimuqraadi ah ku yimid xilkana ku qabtay doorasho shacabka Masar ku doorteen, haddana waxa ay ka dayrisay talaabooyinka uu qaaday iyo distoorka cusub ee awooda badan siinaya ee uu dhawaan soo saaray.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com