Wada Tashigii ugu Dambeeyay ee lagu Magacaabi Lahaa Wasiiro ku Xigeenada iyo Wasiiro Dowlayaasha oo ka Socda Villa Soomaaliya

Posted by on Dec 12th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Warar hoose oo goordhow Madaxtooyada Soomaaliya aan ka helnay ayaa sheegaya in Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ay wada tashiyo ka leeyihiin  dhameystirada Golaha wasiirada Soomaaliya, waxaana lasheegay in dhawaan  la soo magacaabi doono  Wasiiru-dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno.

Sida warku sheegayo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shirar ay ka lahaayeen dhameystirida Golaha Wasiirada soo gaba gabeeyay, iyadoo ay diyaarsanyihiin inta badan xubnaha noqon lahaa Wasiir kuxigeenada iyo wasiiru dowlayaasha.

Inkastoo Xukuumadda cusubi ay tahay mid yar, ayaa hadana la ogeyn in Wasiiru dowlayaasha iyo wasiir kuxigeenada ay ka badan doonaan wasiiradii horay la magacaabay iyo in kale, ha yeeshee waxaa soo baxaya warar kala duwan oo sheegaya in min shan wasiiru dowlayaal iyo wasiir ku xigeeno la magacaabi doono.

Sidoo kale waxaa la hadal hayaa in wasiiru dowlayaasha laga dhigay 6-xubnood, halka wasiir ku xigeenada laga dhigayo afar, iyadoo wali aanay jirin tilmaamo cad oo muujinaya tirada loo kala qoondeeyay wasiiru dowlayaasha iyo wasiir ku xigeenada, balse waxaa la sheegay inaysan ka badnaan doonin 10-xuxbnood ee ay hadda ka koobanyihiin Golaha wasiirada, sidoo kale waxaa kaloo jira warar sheegaya in la iska dhaafay gebi ahaan wasiiru-dowlayaal lagu waday in lamagacaabo mase jirto cid xaqiijineysa arrinkan dambe.

Sida warku sheegayo xubnaha cusub ayaa u badan beelihii aan lagu soo darin golaha wasiirada cusub, waxaa kaloo jira warar aan la xaqiijin oo iyana sheegaya in xubnaha cusub ee la magacaabayo ay ku jiraan qaar ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka iyo xubno la sheegayo, inay ahaayeen musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha lama shaacin illaa hadda waqtiga rasmi ahaan lagu dhawaaqayo xabnaha ka dhiman dhismaha golaha wasiirada waxaase la sheegayaa inuu dhamaadyahay  wadatashiyadii ku aadanaa arrintaasi lagana yaabo in maalmaha iyo saacadaha soosocda lagu dhawaaqo.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

Free WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology