Fanaaniin goordhow soo Gaaray Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Posted by on Dec 11th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Fanaaniin caan ah ayaa goordhow soo gaaray Magaalada Muqdisho, Fanaaniintaan oo kala ah C/xakiin Ciise Geedi Fara-yare, khaalid Shariif Axmed “Kiin Khaalid” iyo Xasan Cujeyr Cajami kuwaas oo muddo 21 sanno dalka ka maqnaa.

Fanaaniintaan ayaa waxaana Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyey Guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shahweye, qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, dadweyne tiro-badan  iyo Fanaanniin ay ka mid ahaayeen Bar-baarta Gaashaaman.

Fanaaniintan oo ay ku marti qaaday magaalada Muqdisho Hey’adda Wada hadalka Bulshada ee CCD ayaa xaflad soo dhoweyn loo sameeyay kadib ay ka mahad celiyeen sida diiran ee loo soo dhoweeyay iyo inay dalka dib ugu soo laabtaan iyagoo faraxsan.

Sidoo kale guddoomiye ku xiggeenkii hore ee gobolka Banaadir C/fitaax Ibraahim Shahweye ayaa u muujiyey Fanaanniinta sida ay ugu faraxsan yihiin in dalkooda ay yimaadaan, waxa uuna tilmaamay in Fanka uu ka turjumayo nabadda dalka ka jirta, isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in dad kale ee dibadaha ku maqan iyana dib u soo laabtaan.

Fanaanniintan ayaa muddo aad u badan ka maqnaa dalka, waxayna ku biirayaan muwaadiniinta Soomaaliyeed oo dib u helay fursad qaali ah oo ay ugu soo laabtaan dalkooda oo nabad ah.

Fanaan King Khalid ayaa ugu baaqay fanaaniinta kale ee dalka dibadiisa ku maqan inay dalka dib ugu soo laabtaan, si ay shacabkooda ula qeybsadaan horumarka iyo is bedelka ka jira caasimada Muqdisho.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Themes

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology