Hailemariam: Dowlada Soomaaliya ayaa Awood u Leh Maamul u Sameynta Gobolada Dalkeeda (VIDEO)

Posted by on Dec 11th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desaglend ayaa markii ugu horeysay waxa u ka hadlay sida ay Xukuumaddiisu u aragto maamul u sameynta gobolada dalka Soomaaliya ee dhawaan qaarkood lagala wareegay Xarakada Al-shabaab oo ay ku jiraan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo oo uu muran xoogan ka dhashay maamul u sameyntooda.

Hailemariam Desaglend oo wareysi dhinacyo badan taabanayey siiyey teleefishanka Al-jazeera ayaa sheegay in dhismaha maamul goboleedyo amaba maamul u sameynta goboladii laga qabsaday Al-shabaab ay iska leedahay dowladda Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku daray in dowladaha ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya looga baahanyahay oo keliya inay dowladda Soomaaliya gacan ku siiyaan sidii ay dowladda u wada-maamuli laheyd gobolada dalka oo ay ku jirto magaalada Muqdisho.

Mr. Hailemariam mar uu ka hadlayey maamulka Jubbaland ayuu hoosta ka xariiqey inay tahay shaqada dowladda Soomaaliya, isla markaasna uu kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya markii uu safarka ku tagay dalka Itoobiya,  iskuna afgarteen sidaasi, wuxuuna intaasi ku daray Ra’isul wasaaraha Itoobiya oo uu sheegay inay wada arkaan  in dhammaan beelaha dega Jubbooyinka ay ku jiraan maamulka, waxaana uu meesha ka saaray in Kenya beel gaar ah u wadato maamulkaasi.

“Maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka waxaan kala hadlay markii uu Addis Ababa nagu soo booqday Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana u sheegay in maamul u sameynta gobolada ay xaq u leedahay dowladda oo keliya isaguna arrinkaasi wuu ila qaatay, Itoobiya oo ka mid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya awoodooda waxa weeye inay dowladda ka taageerto sidii ay maamulkeeda ugu balaarin laheyd gobolada dalka, ma jirto dowlad dhihi karta annaga ayaa maamul u sameynayna gobolada Soomaaliya xaqna uma laha” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology