Muqdisho, 9-ka December 2012; Shir balaaran oo ay isugu yimaadeen beelaha ka soo jeeda degmada Dolondole ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Shirkaas oo ay soo abaabuleen xildhibaanada ka soo jeeda degmada Dolondole ayaa waxaa ka soo qeyb galay qeybaha kala gedisan ee bulshada oo ay ka mid yihiin odayaal dhaqameedka, siyaasiyiinta, wax-garadka, qurba-joogta, ganacsatada iyo dhalinyarada.
Shirkaas ayaa waxaa looga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa maamul u samaynta degmada Dolondole loona horumarin lahaa.
Degmada Dolondole oo ah degmo istraatiji ah kana tirsan gobolka Baay ayaa waxay 90-kms u jirtaa degmada Baydhabo.
Xildhibaan Maxamud Macalin Yaxye ayaa ugu horeyntii furay shirka kana warbixiyey ujeedada kulanka iyo baahida loo qabo in maamul loo helo degmada si horumarkeed looga shaqeeyo.
Waxaa halkaas hadalo guubaabo ah ka soo jeediyey Malaq Cusmaan, Malaaq Deerow, Malaaq Aamin Barawani, Malaaq Kusow iyo Malaaq Maalin Salaad.
Waxaa sidoo kale madasha ka hadlay xildhibaanada degmada Dolondole Xil. Maxamed Borow, xil. Cusman Miirow iyo Xil. Khalif Duuray.
Maxamed Shaahiyow, Daahir Sh Mad iyo Edin Hasan ‘kalamow’ ayaa ka hadlay mashaariicda ilaa iyo hadda laga fuliyey degmada iyo sida qurba joogta diyaarka ugu yihiin inay qeyb libaax leh ka qaataan dhismaha iyo horumarinta degmada.
Jibriil Maxamud Cabdullahi ‘Pakisan’ iyo Maxamed Aden ‘Farkeeti’ ayaa talo bixin ka soo jeediyey qaab-dhismeedka maamulka iyo doorka qeybaha bulshada ku leeyihiin horumarinta degmada.
Geba-gebadii shirka waxaa laysku raacay qodobadan:
. In si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta degmada Dolondole
. In odayaalka dhaqanka ay bilaabaan dib u heshiisiin dhab ah kana shaqeeyaan wacyi gelinta bulshada
. In loo saaro guddi farsamo oo ka kooban 5 xubnood oo soo diyaariya qaab-dhismeedka maamulka degmada
. In xildhibaanada, guddiga farsamada iyo odayaal dhaqameedka ay warbixin ka dhaqeystaan guddiga farsamada muddo labo usbuuc gudahood.
Ka soo qeybgalaasha shirka waxay mahad u soo jeediyeen xildhibaanada suurta geliyey kulanka.
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com







Baariyow Asc walaalahaboqohure
asc dhamaan walaalaha DGM salaan kadib marka koowaad waa wax laga xumaado in lagu murmo degmada dalandoole tan labaad dhulkii DGM oo dhana ayaaba loo soo dhigetey qofkii wax lahaasho ubaahan meelaha lagula heysto soo dhicyo meela badan aad ledahay ayaa lagaula heystaan dalandoole cida iska leh waa la ogyahay wax hadal ku jiro ma ahan waxaana iska leh boqol hore
degmada dolondole waa meel caan ah oo raxanweyn oo idil wada taqaana mana ahan mid shaki ku jira in ay inta ugu badan dadka dega ay yihiin beesha leysaan oo ay soo raacaan boqolhore marka sidaa haloo ogaado dadka u maleeya meel walba buurhakaba iimaanka ha is geliyaan dolondole waxaa iska leh beelaha leysaan iyo boqolhore kana tashan kara horumarka degmadaas sidaa haloola socdo.
ASC salaaaan kadib waxaaa mahad leh İSha baydhabo mar waliba ay u doovan tahay in ay soo kud biso aqbaaraatka qoomiyada bahda ween DM sidoo kale xildhibaanada, aqoonyahanada iyo malaaaqyada ayagana mahad balaaran ayaaa u jeedinaaaa 1000 iyo kow waaa mahadsantihiin ilaaahay garabkeena hakalo anagana hadaan nahay dhalantiina ama wiilashiiina wixii talo ama tusaaale waaa idin soo kud bineenaaa inshaa alaaah deeda kale walaaaala waxaaa rabaaa in wax aaan xasuusiyo qofka wuxuu wax qaban karaaa marka gurigiisa ka soo bilaaawo xaaskiisa iyo caruurtiisa ilaaaa laka kaaro makaanka uka sareeyo walaaala reeer boqol hore waxaaa tihiin tusaaaale wada haka caajisina raga kale ee walaaalaha ayagana ha shaqeeyaan dhan waliba NOTE: waaa figirgeeya walaaalaha kale ga deeyaaan wax yaaalaha ay soo qoreeyaaan ay leeyihiin boqol hore kaliya waxay ku fiican yihiin shirka bes oo kale walaaaal mcn ogow bari waxaaa tahay madaxda mustaqbalka wadanka adaaa ogaaamin doono war haduu kaaa haraaayo war fiican hakaaaa haro. Thanks bro waxaaaa jirto meeel waliba dunida ka joogno in qoomiyada DM in walaaaal tinimadeena ay muqadas ay tahay dhamaaan teena waxaaa nahay dad walaaalo ah waxaa ku hadal naaaa luuqada maaaay hal gobol na waaa ka imaaaney
Asc Dhaman dadka DM ku abtirsado waa walalo wax waliba wadaga wana dad i jecel misna nabada jecel.
Hadaba waxan uso jeedina labada beel besha Eelay iyo Beesha boqol hore ee dagmada ku badan degan ahana iskaleh.
Hadaba labada beel waa iney ku hishisa kana fogadan dagal sokeye e dhax mara belaha walalaha ah.Dhulka waa naga badan yahay an ku hishino qilafadkii horena an xalino gacmahana an is qabsano
meesha hadii marba ay degmo tahay waa in ay degeen Digil & Mirifle oo dhan ma ahane meel hal qabiil kaliya ladhihi karo wuu dega marka dadka aara’da soo dhiibanaya waxaan leeyahay wax fahma inta aadan dadka wax ka sheegin adiga xitaa waad degikartaa
Thanks
wixii cara madowba eelaayb ayaa iska leh cxamal miyaa sheekada dadka reer eelaay iyo boqolhore waa dad deris ah laakiin derisnimadu ma ahan in qof deegaankiisa aad damacdaa. beesha waxaan u sheegaya sanadka lagu jiro waa 2012 intaa ha ula socota.
waa halagaa sheego shirkaan ma ahan mid deegaan wax loogu qabanayo beelaha boqolhore waxay ku fiican yihiin shirarka oo kaliya in la shiro wax micno ah kuma fadhido waxaa la idinkaga baahan yahay wax qabad hadaad tihiin kuwa run sheegaya. horaa waxaa loo yiri af waakoo may laka aamee!
Asc walaal waxaan umahadcelinayaa inta kashaqaysay in uu qabsoomo shirkan oo ay ugu horeeyan Xilibaanda Beesha boqolhore waxgarad malaaqyada dhalinyarda & Qorbajoogta wxaan leeyahan waad kumahadsantihiin Sida sharafta leh aad ukolanteen waxaana leeyahay hanoqdo kolankiina kulamo joogta ah si markaasi wax wayn lataabankaro looga bedela Xaalada Degmada Dolandoole
Marlabaad waxan leeyahay Milkiiliyaasha Labada Web Isha & Daafeet waad Mahadsantihin Garabkiina illaah hagalo Thanks Inbadan Guulaysta
mash..alah..wa horumar..fiican walaalayaaal..degmada..dalandoole waa degma..raxaweyn..ay..leedahay..reer kaliya kuma koobna..waloow loo nisbeeyn karo..walaalaheena reer eelaayna kama foga..walaalahooda..reer boqol hore.waa dad deris iyo dadba ka dhexeeya..kaliya…. Walaalayaal..aan dhisano..degmada..wax walba way hagaagi doonaan..e..thanks..WWW.ISHABAYDHABA.COM
waaw..waa horumar wanaagsan..reer dalandoole garabkiina ala ha galo….reer..walba haka..tashadaan horumarka iyo dib udhiska degmooyinka ay kasoo jeedaan…si wadanka oo dhan loo dhiso…gaar ahaan arlaadi..mabruuk..degmada dalandoole..
marka hore shabakadaha ishabaydhaba iyo daafeet waad ku mahad santihiin howsha aad inoo haysaan tankale dadka walaalaha ah ee ka shiray horumarka degmadooda dolondole waxaan leeyahay walaalayaal waxqabad dhab ah ku dhaqaaqa kulankiina ha noqdo mid ficil sameeya ee yuusan noqon is arkid kaliya ku ekaada
WCS.
siin salaami salaan 114-ta siinka salaami garabkin ilaahay galo da daalaay.
maasha laah hambalyo hambalyo waxaan u hambalyeynayaa cidii ka dambaysay kulankaan oo gacan ka geystay ilaahay haka awaal mariyo ayaan leeyahay walaalayaal horay u socda oo dadkiina iyo deegaanadiina wax u qabtashabakada ishabaydhaba iyo daafeet waad ku mahad santihiin howlaha aad umadiina u haysaan.
waan idinku haysanaa hadaanu nahay beesha eelaay degmadaan waxbaan ka degnaa mana nalagu casuumin shirkaan, boqolhorow boobkii 20 sano soo jiray miyaad hada bilowdeen
KKKKKKKKK DOLONDOLE GOORMEE LAGA DHIGAY DEGMO MABA LASOCONEE MISE REER BOQOLHORE IYAGA LEE ISKA MAGACAWDAY?
waaaaaaaaaaaaaw bqoqlhore oo bilooyinkaan boorka iska jafaya waan idinku hambalyeynayaa in aad kulantaan oo aad kawada hadashaan horumarka deeganadiina waxaan kaloo indinkula dardaarmayaa xoojinta midnimada guud.
wabilaahi towfiiq
waa wax wanaagsan oo ay ku farxaan inta wanaaga jecel garabkiina alaha galo dadaala reer mirifle