Mashaariicda Fidinta Beeraha oo ay Hirgelisay Dowladii Kacaanka (Akhriso si aad Waxbadan ugu Ogaato)

Posted by on Dec 8th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar, Wax soo saarka Beeraha. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa mahad iska leh allah ina abuuray inagoo jirin nabarayna wax aan garanayn waxa uu ina soo dajiyay dhulka si aan quud uga raadsano. 

Maanta waxaan kusoo qaadanaynaa barnaamijkeena waxsoosaarka beeraha mashruucii fidinta beeraha oo siweyn ugu hergal wadankeena soomaaliya.

Dowladii Kacaanka ka dib markii ay qaramaysay hantidii wadanka oo horey ay u hantiyeen shirkado iyo shaqsiyaad ka mid ahaa maamulkii gumeystayaasha, ayaa waxaa isla markiiba la howlgeliyay Wasaarada Beeraha  iyo wakaaladaheeda kala duwan laguna howlgaliyey sidii waxsoosaarka dalka loo kobcin lahaa. Waakaaladaha Wasaarada Beeraha waxaa ay maamuli jireen barnaamijyo badan oo loogu magac daray Mashaariicda Fidinta Beeraha .

Dowladii hore ee soomaaliya oo si aad ah xooga usaarijirtay dhanka beeraha waxaana sitoos u istaagay markii ay dowladii burburtay oo aysan jirin id iskutaagta in ay sii wadaan kordhinta waxsoosarka beeraha.

Mashruuca fidinta tababarida xanaanka iyo maamulka beeraha waxaa ladhisay sanadka markuu ahaa 1980-kii wuxuuna ahaa mashruuc weyn ee kusalaysan derajada koowaad waxaana uu kahirgal mashruucan kudhowaad 10-gobol iyo 57degmo  beereed oo katirsan wadankeena soomaaliya.

Fidinta beeraha waxaa loo adeegsaday si uu hirgalo mashruucan aqoonyahano khirad weyn uleh cilmiga beeraha iyo fidayaal gobol, kuwo degmo, iyo kuwo tuulo waxaa meesha kamuuqata in ay kashaqeyn jireen dadbadan oo isugjirey khubaro dhanka beeraha ah iyo dad  beeralay ah oo iskaashaday oona gacan kahelaayey wasaarada beeraha ee dowladii dhaxe ee soomaaliya.

Ujeedadiisu waxay aheyd maashruuca fidinta beeraha:-

1) kordhinta waxsoo-saarka beeraha.

2) wanaajinta dalaqyada quudul daruuriga ah ee kabaxa wadanka soomaaliya.

3)kor uqaadida xaalada dhaqaale.

4) Balaarinta aqoonta Beeralayda iyada oo la adeegsanayo aalado iyo farsamooyin cusub ee beeraha.

Hadii lasoo kobo waa isku filnaanshaha cuntada quudul daruuriga ah  iyo abuuris dalaqyo waxsoosaar weyn leh oo ay kugaarikaraan dadkeen xurnimo dhaqaale.

Waxaa Diyaariyey Aadam Abdi ishak (Gentleman)

Khabiir Dhinaca Beeraha iyo Deegaanka.

Email: Aadamyare11@hotmail.com

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology