Rabshado Sababay Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Magaalada Hargeysa

Posted by on Dec 7th, 2012 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Hal qof ayaa dhintay lix kalena way dhaawacmeen kaddib markii ay rabshado ka dhashay doorashada golaha deegaanka ay ka dheceen magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Isku dhacyada ayaa la sheegay inay dhex mareen ciidamada booliska maamulka Somaliland iyo taageereyaasha xisbiga Xaqsoor oo dhaliilsan natiijada doorashadii dhacday 28-kii bishii hore.

Hoggaamiyeyaasha iyo maamulka xisbiga Xaqsoor ayaa ku eedeeyay xisbiga talada haya ee Kulmiye inuu ku shubtay codadka doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shalay ku dhawaaqay natiijadii doorashada goleyaasha deegaanka magaalada Hargeisa.

Doorashada waxaa kaalinta koowaad ka galay xisbiga talada haya ee Kulmiye oo toddobo wakiil helay, iyadoo min afar wakiil ay heleen xisbiga Waddani oo axsaabta cusub ka mid ah, iyo Ucid oo axsaabta waawayn ku jiray.

Xisbiga Udub oo xisbiyada ugu waaweyn maamulka Somaliland ayaan ka qaybgalin doorashadii dhacday dhammaadkii bishiii hore kaddib markii ay ku eedeeyeen guddiga doorashooyinka caddaalad-darro.

Xubno badan oo xisbiga Udub ku jiray ayaa ku biiray xisbiyada kale ee doorashada ka qaybgalay, taas oo shaki galisay sii jiritaanka xisbiga oo hoggaanka maamulka Somaliland horay u soo qabtay.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Blog

WordPress Blog
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology