Waxaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga kulan waqti dheer qaatay ku yeeshay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayip Ordugan.
Labada mas’uul ayaa lagu waramayaa in ay si qota dheer oo dhinacyo badan uga wada hadlleen xaalada dalka Soomaaliya, dhinaca nabad-galyada, dhaqaallaha, hormarka, iyo waliba dib u dhiska.
Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomalaiya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ka mid ah xubnaha wafdiga uu horkacayo madaxweynaha ayaa sheegay in labada mas’uul isku afgarteen dhamaan qodobdii ay ka wada hadlleen, gaar ahaan marka la eego qodobada nabad-galyada iyo waliba hormarka dalka Soomaaliya iyo gacanta ay ka geysaneyso dowladda Turkiga.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay magaalada Ankara ee dalka Turkiga kulan kula soo qaatay dhigiisa Cabdala Guul oo ay wada saxiixdeen heshiis la xiriira dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Dowladda Turkiga ayaa haanta ka wada qeybo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya mashaariic hormarineed, gaar ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com



