Ciidamada Huwanta ah oo Maanta ku Hareeraysan Magaalada Jowhar iyo Xabsi Xoogan oo soo Wajahday……

Posted by on Dec 7th, 2012 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobollka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xaasid ba’an ay maanta ka jirto gudaha degmada, kadib markii sida la sheegay ay daafaha degmada dhaq dhaqaaq ka bilaabeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar oo ay warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in maanta inta badan xiran yihiin goobaha ganacsiga, dadkana dhagta kor ugu taagayaan sida saacadaha soo socda wax isku badalaan.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM sahan ku tageen deegaannka ama koontaroolka Congo oo qiyaastii 5km u jira magaalada Jowhar, inkastoo ay dib ugu soo laabteen fariisimahoodii hore.

Sidoo kale, dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab oo ka soo baxay saldhig ay ku lahaayeen Jowhar ayaa la leeyahay waxaa ay soo gaareen meel duleedka ka ah Jowhar si ay uga hor tagaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Saraakiisah dowladda ee fadhigoodu yahay tuulada Qalimow ayaa warbaahinta u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan gudaha ugu gali doonaan magaalada Jowhar, inkastoo aysan sheegin waqti rasmi ah.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress

Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology