Xilli habeen hore magaalada muqdisho lagu dilay mid ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka waxaana arintaasi qalqal iyo cabsi ay ku abuurtay odayaasha dhaqanka.
Suldaan ceyndaruus suldaan saalax oo kamid ahaa odayaashii dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka oo lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xiligaan ay soofooodsaartay qalqal badan iyo cabsi.
Asigoona sheegay in uu san garaneynin sababta loo bartilmaameysanaayo odayaasha dhaqanka ee soo xulay mudanayaasha Baarlamaanka.
Laba habeen ka hor ayey aheyd markii kooxo bistoolada ku hubeysan dagmada wadajir ay ku dileen mid kamid ah odayaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka soomaaliya.
Waxaana arintaasi ay cabsi xoogan ku abuurtay odayaashii dhaqanka ee iyana qeybta ka ahaa xulista Baarlamaanka cusub ee soomaaliya iyo xal u raadinta dalka.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com