Warar Dheeraad ah oo ka soo Baxaya Xariga Mas’uul ka Tirsan Hey’adda FAO ee lagu Xiray Baydhabo

Posted by on Dec 6th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Wariyaheena  Maxamed Cade oo wax ka waydiiyay Taliya Ciidamada Gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan Xariga Mas’uul ka tirsan Hey’adda FAO ee Ciidamada Dowlada ay shalay Xabsi u Taxaabeen ayaa Taliyaha mar uu u waramay sheegay in  mas’uulkaa lagu magacaabo Idiris Cabdi Dhakhtar uu lug ku lahaa Rag Al-Shabaab ah oo Dhawaan ka Baxsaday Xabsiga Magaalada Baydhabo.

Korneel Mahad C/raxmaan ayaa sidoo kale sheegay inay ciidamadu xireen oo ay su’aalo waydiinayaan Mas’uulkaani, sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in ninkaan loo haysto arimo kale oo lidi ku ah Amniga Magaalada Baydhabo Janaay.

Taliye Mahad C/raxmaan, waxa uu sidoo kale ku Nuuxnuuxsaday inay xoojin doonaan baaritaannada ay ciidamadu ka sameeyaan gudaha magaalada Baydhabo, si looga hor tago dhibaatooyinka ay maleegayso Kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab.

Wariye Maxamed Cade

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Baydhabo Janaay

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress
WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology