Kooxo ku Labisnaa Dareeska Ciidamada Dowlada oo Hooyo Umul aheyd ku Dilay Magaalada Muqdisho

Posted by on Dec 6th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Kooxo ku Labisnaa Dareeska Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Xalay dhac iyo Dil waxay ka geesteen Degmada Kaxda ee Gobalka Banaaadir.

Kooxahaan oo la sheegay inay wajiiga soo xirteen ayaa waxay u dhaceen guryo ay daganyihiin dadka shacab ah, waxaa kaloo ay fuliyen fal naxdina u noqday guud ahaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho, kadib markii ay raggaasi toogasho ku dileen haweeney sida la sheegay Umul aheyd.

Dad ku sugan degmada Kaxda ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan gudaha ugu galeen hooyada oo heystay sadax caruur ah oo mid ka mid ah waqtigii umul kula jirtay, iyaga oo la sheegay in ay sariirteeda ku kor toogteen, kadib markii ay ka biyo diiday in ay dhiibto Telefoon ay heystay.

‘’Waxaa lagu magacaabi jiray hooyada la dillay Xaliimo Sheekh Maxamed markii ay ragga tuugada ah u galeen waxaa ay isku dayeen in ay ka qaataan Telefoon ay heysatay iyo lacag wey diiday, kadibna xabad ayeey laabta kaga dhufteen, waana ay ka tageen, halkaa ayeeyna ku dhimatay ayuu yiri,’’ qof ku sugnaa deegaanka Kaxda.

Dhacdadan ayaa noqontay mid siweyn maanta looga hadal hayo magaalada Muqdisho guud ahaan, madaama la sheegay in rag falkaa ku kacay ay ku labisnaayeen dareyska ciidaamda dowladda Soomaaliya.

Waxgaradka deegaanka Kaxda ayaa ugu baaqey dowladda Soomaaliya in ay arinta soo faragaliso, jawaab deg deg ahna ka bixiso falka lagula kacay dadka ku dhaqan xaafadda Kaxda.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress Themes

WordPress Themes
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology