Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in gabi ahaanba la joojiyay dhaq dhaqaaqii iyo howlihii ka socda dekeda Kismaayo.
Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamo iyo saraakiil ka tirsan ururka Raaskanbooni ku amreen maamulka dekeda in in la joojiyo dhamaan wixii howlo ah ee ka socda dekeda, sababo lagu sheegay wafdi caalmi ah oo laga yaabo in ay maanta garaan Kismaayo.
Lama oga wafdiga la sheegay in uu tagayo Kismaayo halka uu ka socdo, hase ahaatee waxaa lagu wargaliyay maamulka dekeda in ay dibada u saaraan dhamaan gadiidka xamuulka ah ee ku jira gudaha dekeda gaar ahaan kuwa dhuxusha.
Sidoo kale xaafaddaha iyo faras-magaalaha Kismaayo ayaa lagu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Jabhada Raaskanbooni kuwaasoo ilaalo xoog leh ka haya magaalada.
Ashraf Macalin Nuur
Xafiiska Ishabaydhaba.com
Muqdisho Soomaaliya
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com