War Hada Soo Dhacay: Oday Dhaqameed lagu Dilay Magaalada Muqdisho

Posted by on Dec 5th, 2012 and filed under Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Dabley hubeysan ayaa galabta ku dilay xaafadda Nasteexo ee degmada Wadajir oday dhaqameed lagu magacaabi jiray Maxamed Maxamuud Yuusuf oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

Goobjoogayal ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in oday dhaqameedka lagu dilay inta u dhaxeysa garaash uu soo dhigtay gaari uu watay iyo guriga uu degganaa oo ku yaalla xaafadda Nasteexo.

Rag bistoolado ku hubeysan ayaa rasaas ku furay Maxamed Maxamuud Yuusuf, kuwaas oo markiiba goobta ka baxsaday.

Sagaalkii bishii hore waxaa Muqdisho lagu dila oday dhaqameed kale oo lagu magacaabi jiray Malaaq Isaaq Ibraahim oo ka mid ahaa odayaashii soo xulay xildhibaannada cusub.

Saraakiisha dawlada ayaan weli wax war ah soo saarin, walow inta badan saraakiisha booliska marka ay dilalka dhacaan ay sheegaan inay baaritaan wadaan.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

WordPress
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology