Tartanka kubbadda cagta ee xulalka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ka soconaya dalka Uganda ayaa soo gaaray heer gabo gabo ah, iyadoo ay isugu soo hareen xulalka afar dal.
Tanzania oo doraad 2-0 kaga badisay Rwanda ayaa Semi-finalka la ciyaari doonta Uganda oo shalay 2-0 ku dirtay Ethiopia.
Kenya ayaa sanadkii labaad oo isku xiga Semi-finalka gaartay, waxay shalay 1-0 kaga adkaatay Malawi, iyadoo la cayaari doonta Zanzibar oo doraad rigooreyaal kaga badisay Burundi, kaddib markii ay goolal iska dhalin waayeen.
Kulamada Semi-finalka waxaa la cayaari doonaa beri oo ay ku begantahay 6-da bishan December, iyadoo kulanka kama dambeysta ahna uu dhici doono 8-da bishan.
Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com
Email: Ishabaydhaba@hotmail.com