Iran oo Gacanta ku Dhigtay Diyaarad Basaas aheyd oo Mareykanku Leeyahay (Video)

Posted by on Dec 5th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Warbaahinta Iran ayaa soo bandhigay diyaarad kuwa aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaano, oo shalay ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran sheegeen inay gacanta ku dhigeen ka dib markii ay kusoo xad gudubtay hawada dalkooda.

Diyaaradan oo Iiraan sheegtay in Maraykanku leeyahay ayaa waxa beenisay wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka, waxaana bayaan ka soo baxay wasaarada gaashandhiga Maraykanka lagu sheegay in aanay jirin wax diyaarad ah oo ka maqan ciidamadooda ku sugan bariga dhexe.

Haddaba waxyar uun ka dib markii Pentagon-ku beeniyay in diyaaradahooda aan duuliyaha lahayn, laga qabtay ayaa Telefishanka dawlada Iiraan uu baahiyay muuqaalo lagu sheegay in ay tahay diyaarada ay ka qabteen Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn oo telefishanku sheegay in lagu magacaabo, ama nooceedu yahay, [Scan Eagle], taas oo ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka inta badana lagu yaqaano in ay ka dul haadaan Maraakiibta waaweyn ee dagaalka ciidamada Maraykanku leeyihiin.

Taliye ka tirsan ciidamada bada ee Iiraan oo lagu magacaabo, Admiral: 聽Cali Fadawi ayaa wakaalada wararka ee dalka Iiraan u sheegay in diyaaradani ku gudo jirtay hawl galo basaasid ah, oo inta badan ay ka samayso biyaha khaliijka laakiin ay ciidamada Iiraan ku guulaysteen inay soo fariisiyaan.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

WordPress主题

WordPress主题
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright 漏 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology