Warar Kala Duwan oo ka soo Baxaya Safarka Madaxweyne Xasan uu ku Aaday Turkiga

Posted by on Dec 5th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo afar wasiir ay ku jiraan ayaa shalay u dhoofay dalka Turkiga, waxaana wafdiga sii sagootiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cismaan Jawaari.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, wasiirka gaashaandhigga C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi, wasiirka maaliyadda iyo lacagta, Maxamuud Xasan Suleymaan, waxaana safarka Madaxweynaha ka soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood ay sheegayaan in dowladda turkiga ay kala hadli-doonaan sidii ay ciidamo u keeni laheyd Soomaaliya, isla markaasna ay uga qeybqaadan laheyd sugidda amaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay sababaha ay u aadayaan dalka Turkiga ayaa waxa uu yiri “Waxaa u aadeynaa dalka Turkiga si aan u xoojino xiriirka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo Soomaaliya, sidoo kale madaxda Turkiga waxaan kala hadli doonaa arrimo kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin sugidda ammaanka Muqdisho, dib u dhiska ciidamada, siyaasadda iyo horumarinta dhaqaalaha iyo sidii ay dowladda Turkiga ciidamo keeni laheyd Soomaaliya”.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayey ay ku aadeen dalka Turkiga oo noqonaya kii ugu horeeyay oo ay dalkaas ku aadaan tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxday KMG-nimada ayaan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan doono, inkastoo wararka qaar ay sheegayan illa 4 cisho inuu halkaasi ku maqnaan doono.

Madaxweyaha ayaa la sheegay inuu casuumaad ka helay dolwadda Turkiga, isagoo inta uu ku suganyahay la kulmi doona dhiggiisa Turkiga Cabdalla Guul, Ra’iul wasaaraha Turkiga Rajab Dhayib Erdogan iyo saraakiil sarsare oo dowladda Turkiga ka tirsan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu kulamo la yeelan doonaan inta uu dalka Turkiga ku suganyahay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku nool, iyadoo lagu wado inuu ku booriyo inay dalka dib ugu laabtaan, ayna ka qeybqaataan dib u dhiskiisa iyo soo celinta ammaankiisa.

Ashraf Macalin Nuur

Xafiiska Ishabaydhaba.com

Muqdisho Soomaaliya

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Weboy

Weboy
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology