Kufsiga loo Geysanayo Haweenka ku Jira Xeryaha Magaalada Muqdisho oo sii Kordhaya

Posted by on Dec 4th, 2012 and filed under KEYDKA SAWIRADA IYO XULKA WARARKA, Warar. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.

Waxaa soo ifbaxaya dhibaatooyin ka taagan xeryaha qaxootiga ee ku yaala magaalada Muqdisho kuwaas oo maalin walba lagu Kufsado Haweenka halkaasi ku jira ayagoo aan loo kala saarin mid Da’weyn iyo mid Da’yar.

Xerooyinka lagu magacaabo (IDPS) ayaa waxaa ay noqdeen kuwo lagu faraxumeeyo dadka kasoo barakacay Koonfurta dalka Soomaaliya, dadka ku jira xerooyinkaas ayaa marar badan waxaa ay cabasho u direen dowlada taasi oo aan ilaa iyo hada waxba laga qaban.

Si aan u ogaano in ay arimahaas saxyihiin ayaan waxaan isku deyney in aan la hadalno wax garadka kasoo jeeda Koofurta Soomaaliya waxaana ay inoo xaqiijiyeen in arintaas ay tahay sax oo ay hada taagan tahay heer aanba laga hadlin.

Si kastaba arintu ha ahaatee Dhibaatooyinkan loo geysanayo shacabka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ku jirta xerooyinka (IDPS) ayaa waxaad Moodaa in ay raali ka yihiin Xildhibaanada matala Shacabkaas ayaga ah oo caadeystey inay Buuxiyaan Kuraasta Baarlamaan, Shacabka la gumaadayana arimahooda aysan la hadlin.

Hadaba si aan wax ugu ogaano Arimaahaan iyo kuwa kale waxaan Wareysi la yeelan doonaa Suldaan Warsame Suldaan Ibraahin, Malaaq Maxamed Yacquub (Malaaq Deerow) iyo Aqoonyahan Cabdi Aadam Hoosoow.

Waxaana idinku soo gudbin doonaa Barnaamishkeenii Isbuuclaha ahaa ee (Dadow Doodnoy) haduu Alla Idmo Maalinta Axada Taariikhduna tahay 09/12/12.

Kala soco warar sugan: Ishabaydhaba.com

Email: Ishabaydhaba@hotmail.com

You are not authorized to see this part
Please, insert a valid App IDotherwise your plugin won't work.

Leave a Reply

Free WordPress Theme
Advertisement

Recently Commented

Archives by Tag

Free WordPress Theme
Please Write to us via these Emails: Ishabaydhaba@hotmail.com, zoobeyare@hotmail.com
Copyright © 2011. All Rights Reserved. Developed by: Kulung Technology